Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in sideed ruux ay ku dhimatay gobolka Xinjiang

Map of Xinjiang and China

Shan ruux ayaa dhimatay shan kale ayaana dhaawacantay ka dib markii weerar toori loo adeegsaday uu ka dhacay gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha.

Saddex ruux oo mindi adeegsanaya ayay booliisku ku dileen Talaaadadii degmada Pishan, sida ay sheegeen maamulka deegaanku.

Lama sheegin ujeedada weerarka, laakiin dawladda ayaa inta badan ku eedaysa weerarrada noocan oo kale ah Muslimiin gooni ugoosad raba.

War qoraal ah oo maamulka deegaanku uu soo dhigay website ayaa dadka weerarka gaystay oo toogasho lagu dilay ku tilmaamay "tuugo".

Xinjiang oo maamul goboleed ah ayaa hoy u ah Qaaqmiyadda Wuuqiir (Uighur) ee laga tirada badan yahay oo Muslimiin u badan.

Gobolkaas ayay daganaansho la'aan ka jirtay sanado badan.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay sheegayaan in dhibaatadu ay ka imaanayso cadaadiska ay dawladdu ku hayso diinta iyo dhaqanka qawmiyadda Wuuqiir (Uighur). Laakiin dawladdu way diiday in ay wax caddaadis ah ku hayso.