Raadinta saxafiga ugu wanaagsan Afrika si loo siiyo abaalmarinta BBC ee Komla Dumor

  • 17 Febraayo 2017
Komla Dumor
Image caption Komla Dumor wuxuu dhintay 2014-kii, wuxuuna ahaa 41-sano jir

BBC-da ayaa raadineyso weriyaha ugu wanaagsan Afrika sanadkan 2017-ka si loo siiyo abaalmarinta BBC World News ee loogu magacdaray Komla Dumor.

Waa sanadkii seddaxaad ee abaalmarintaas ay BBC-da bixineyso.

Saxafiyiinta qaaradda oo dhan ku sugan ayaa codsan kara abaalmarinta. Ujeedada ayaa ah in la soo bandhigo tayada hal abuurka saxaafadda Afrika.

Qofka ku guuleysta wuxuu fursad u helaayaa inuu seddax bilood ka shaqeeyo xarunta BBC-da ee London, uuna khibrad iyo xirfado cusub ka barto halkaas.

Gudbinta araajida waxay ku egtahay 15-ka March ee sanadkan 2017-ka.

Abaalmarintan ayaa loogu talagalay in lagu maamuuso Komla Dumor, oo ah saxafi u dhashay Ghana oo BBC-da u shaqeyn jiray.

Wuxuu soo jeedin jiray warka caalamka, wuxuuna geeriyooday sanadkii 2014-kii. Wuxuu ku dhintay 41-sano.



Waxaa helidoono shaqsiga qabta shaqada ugu wanaagsan saxaafadda qaaradda Afrika, kaas oo leh xirfad aad u wanaagsan oo saxaafadeed.

Waxaa saxafiga laga doonayaa inuu leeyahay hami iyo wax soosaar tayo leh si uu u noqdo weriyaha Afrika ee sanadkan.

Saxafiga guuleysta wuxuu sidoo kale fursad u helidoonaa inuu dalalka Afrika u kala safro oo warar kala duwan uu u soo diro BBC-da.

Wararka uu sameeyo waxaa loo bandhigidoonaa Afrika iyo caamalka kale.

Image caption Sanadkii 2016 waxaa ku guuleysatay Didi Akinyelure, waxay sheegtay in waqtigeeda BBC-da uu isbedel weyn ku yeeshay nolosheeda

Sanadkii 2015-kii waxaa abaalmarinta ku guuleysatay Nancy Kacungira, oo war aqriye ka ahayd telefishinka KTN ee Kenya.

Didi Akinyelure, oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkii tagay ee 2016-kii.

Ka dib markii ay guuleysatay waxay fursad u heshay inay warbixinno kala duwan ka sameyso Afrika.

Wararkii ay sameysay waxaa ka mid ahaa baaritaan ay ku sameysay Soosaarka dhuxusha ee dalka Ivory Coast.

Agaasimaha BBC-da qeybta la hadasho caalamka Francesca Unsworth, ayaa sheegtay: "Waxaan raadineynaa saxafiga xidigga u ah warbaahinta Afrika ee ku guuleysta abaalmarinta BBC World News ee Komla Dumor."

Araajida la gudbiyo waxaa eegi doono guddi khubaro ah oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah tafatirayaasha BBC-da iyo dad kale oo ka socda warbaaahinta kale ee qaaradda.

  • Faafaahin ku saabsan sida loo codsado iyo waxa la iska rabo halkan ka aqriso bbc.com/KomlaDumor.
  • Si aad u ogaato inaad u qalanto abaalmarinta, Guji halkan.
  • Waxaa sidoo kale la wadaagi kartaa asxaabtaada caalamka adigoo adeegsanaya hashtag-ga #BBCKomlaAward.

Mowduucyada la xiriira