Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la xirayo xilliga caleemo saarka Farmaajo

eelaboorka Muqdisho ayaa la xiray xilligii doorashada
Image caption eelaboorka Muqdisho ayaa la xiray xilligii doorashada

Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay in 22-ka bishan la joojiyay dhammaan duulimaayada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Waxaa la amray hay'adda duulista iyo saadaasha hawada iyo maamulka garoonka caalamiga ah ee Adan Cade, inay joojiyaan dhammaan duulimaaydyada imaanaya iyo kuwa dhoofaya".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Garoonka Muqdisho oo laga mamnuucay kaameero aan ruqsad loo haysanin

Waxaa laga reebay diyaaradaha ay wataan wufuudda caalamiga ah ee ka qeybgalaya munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

Diyaaradaas ayaa ka degi karo Muqdisho 22-ka bishan, ayadoo kuwa shacabka aanan loo ogoleyn.

U jeedada ayaa ah in amniga la adkeeyo inta ay socoto munaaasabadda caleemo saarka madaxweyne Farmaajo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu dalbaday in shirkadaha diyaaradaha ay u hogaansamaan amarka ka soo baxay wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee Soomaaliya.

"Waxaa la idiinku adkeynayaa inaad amarka si degdeg ah aad u dhaqan gelisaan", ayaa lagu xusay warka ka soo baxay dowladda.

Intii ay socotay doorashadii madaxweynaha ayaa sidoo kale la xiray garoonka caalamiga ah ee Adan cade ee magaalada Muqdisho.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan