Dadka iyo xoolaha haray waxay wada cunaan raashiinka yar ee ay haystaan

  • 15 Febraayo 2017
Daawo: Saaemyta ay abaaraha ku yeesheen xoolo dhaqatada

Koox saxafiyiin ah oo ka tirsan BBC-da ayaa tagay deegaanada abaaraha ay ka jiraan ee Puntland qaar ka mid ah.

Deegaano qiyaastii 150km dhanka bari ka xiga Garowe waxaa ku nool dad abaarta ay barakicisay, kuwaas oo BBC-da u sheegay inay dhibaato weyn ku haysato halkaas.

Weriyayaashaas waxaa ka mid ahaa Xasan Cali Gelle oo sheegay in abaarta ay si ba'an u saameysay dadka iyo duunyada.

"Intii aan sii haynay waddada laamiga ah ee u dhaxeysa magaalada Garowe iyo tuulada Dan-goroyo, agagaarka jidka waxaa iiga muuqday neefaf geel ah oo noqday laf iyo maqaar, waxaana la ii sheegay in sida dadka oo kale raashiin la siiyo oo gacanta lagu quudiyo halkii ay duurka u daaqsin tagi lahaayeen".

Gelle ayaa intaa ku daray "Marna isheyda kuma aanay dhicin meel daaq leh oo neef lagu leexiyo, taa oo ka turjumeysa baaxadda abaarta".

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Abaarta waxay saameysay deegaano badan oo Soomaalida ay deggan yihiin

Dhowr saacadood oo safar ah kaddib, waxay weriyayaasha gaareen tuulada Uusgure oo ah tuulo ay ku nool yihiin 120 qoys oo ay abaartu soo barakicisay, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda Qaramada Midoobey ee cunnada iyo beeraha, ee magaceedu loo soo gaabiyo FAO.

"Kolanyada baabuurta ah ee aan la soconay ayaa soo jiitay indhaha dadkii ku noolaa tuulada, waxaana markiiba isu soo baxay dad u badan haween iyo carruur, kuwaa oo ay ka muuqato daruuf nolaleed".

Waxay ka dib dadkaasi billaabeen inay su'aalo weydiiyaan oo qaarkood aad u adkaa, sida maxaad inoo wadaan? Ayuu sheegay weriyaha BBC Somali ee tagay tuuladaasi Uusgure.

Dadka ku nool xeradaasi waxaa ka mid ah dumar iyo caruur oo ay ka muuqato duruuf nololeed oo dhabankooda badashay.

Taasi waxay cadeyn u tahay in dad abaaraha ay barakiciyeen ay xaalad aad u xun ku nool yihiin.

Maryan Maxamed Muuse, waa hooyo 70 jir ah, waxa ayna ka mid tahay dadka soo miciin biday tuuladan Uusgure, kaddib markii abaartu ay galaafatay xoolihii ay miyiga u degnayd, waxayna sheegtay in halkaas ay dhibaato ku haysato, ayna doonayaan gargaar bani'aadanimo.

Nacfiga Xoolaha

DAAWO: Hooyo ka hadlaysa saameynta ay abaarta ku yeelatay

Dadka ay abaartu sida ba'an u saameysay ayaa u badan reer guuraa oo noloshoodu ay ku tiirsanayd nacfiga xoolaha, haddese intooda badan xero maran ayay ka soo tageen ka dib markii xoolaha ay baabe'een.

Qaar ka mid ah xoolo dhaqatada waxaa si maskaxiyan ah u saameeyay abaaraha.

"Waxaan indhahayga ku arkay wiil yar oo ku dhex xiran aqal jawaanno ka sameysan iyo gabar inan ah oo ooyaysa" ayuu yiri Xasan Cali Gelle, weriyaha BBC-da.

Waxaa la ii sheegay in labaduba dhimir ka looga dhacay, kaddib markii qoyskooda ay dhaafeen xoolaha oo nolashooda ay ku tiirsanayd. Waxaase damiirkeyga isiin waayay in aan cod ka soo duubo qoyskaasi, maadaama shakhsi ahaan ay aad ii taabatay xaaladda qoyskaasi, gaar ahaana labada qof ee xanuunsan".

Gelle: Xaaladda dhabta ah ee abaarta

Mar aan booqanay meel dhanka koonfureed ka xigta tuuladan, ayaa waxa aan soo arkay bakhtiga xoolaha oo meel kastaa daadsan, waxaase iigu yaab badnaa meel raas ah oo uu reer horey uga guuray oo bakhtiga yaala iyo xerada meesha ku oodan aysan is dhameyn, oo uu bakhtiga aad u badan yahay.

Gabay ku saabsan abaaraha oo ay tirisay abwaanad Koos Jamac Dhunkaal

Muddadii saacadda ahayd ee aan joogay tuuladan Uusgure, gaar ahaan qaybta ay deggan yihiin dadka soo barakacay, indhahaygu ma qaban dab shidan oo uu digsi saran yahay.

Taas oo ka turjumeysa sida dadkani nolosha ugu adagtahay. carruurtii u bartay caano laga lisay naas xaad lehna, aynsan maanta dabka waxbo ka sugayn.

Taasi badalkkeeda waxaan arkayay neylo iyo waxaro yar oo marba dab ku qamaamaya oo doonaya in ay helaan wax ay cunaan maadaama uusan daaq jirin.Dadka Uusgure oo muddo sanado ah aan arag wax roob ah ay hadda ka dhur sugaya deeq rabbi oo u sahasha in ay danahooda kala raacdaan iyo gurmad deg deg ah oo ay ka helaan dadkooda, dowladdooda iyo dunida inteeda kale.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan