Wasiir baaskiil lagaga xaday Belgium

Picture of a stolen bicycle Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Sawirka baaskiilka la furtay ee la xaday

Wasiir reer Belgium ah oo ka qaybgalay xaflad uu ku shaacinayay maalgashi lagu samaynayo waddooyinka baaskiillada ayaa laga xaday baaskiilkiisii uu goobtaas ku tagay.

Ben Weyts oo ah wasiirka socdaalka ee deegaanka Flanders, ayaa baaskiilkiisa ku xiray goob loogu talagalay in la dhigto oo ku taalla khadka tareenka ee Halle oo Koonfurta Brussles ah, sida uu sheegay afhayeen hadlay.

Laakiin markii uu wasiirku ku soo noqday meeshii uu dhigtay baaskiilka nus saac ka dib, wuxuu arkay in la xaday.

Wasiirka ayaa intaas ka dib u yeertay darawalkiisa si uu uga qaado boosteejada, ayuu sii raaciyay afhayeenku.

Weyts ayaa hadda rajaynaya in kaameerooyinka CCTV loo yaqaanno ay booliiska ka caawiyaan aqoonsiga qofka laga shakisan yahay.

Twitterka ayuuna ku shaaciyay arrinta qabsatay, booliiska ayaana intaas ka dib sheegay in ay sare u qaadi doonaan askarta roondada samaysa iyo kaameerooyinka ammaanka ee CCTV-ga loo yaqaano

Wasiirka oo shir jaraaid qabtay ayaa shaaciyay qorshe lagu ballaarinayo wadooyinka baaskiilada oo soconaya ilaa 2019ka kaas oo ay ku kici doonto 316 milyan oo doolar.

Dadka Belgium intooda badan waxay shaqada ku aadaan gawaari, wadooyinka wadankaasina waxay ka mid yihiin kuwa ugu ciriiriga badan ee Yurub.

Lahaanshaha sawirka Twitter - @BenWeyts
Image caption Weyts ayaa Twitter-kiisa ku xaqiijiyay in baaskiilka laga xaday