Sidee Warbaahinta Afrika ay wax uga qaban kartaa wararka beenta ah?

Screngrab Lahaanshaha sawirka Standard
Image caption Warkan beenta ah waxaa lagu daabacay wargeys loogu magacdaray Crazy Monday (Isniinta waalida)

Markii la arkay in wararka beenta ah ay ka saameyn badan yihiin kuwa xaqiiqada ah ayey BBC-da eegtay casharada ay warbaahinta Afrika ka barteen arrintaasi.

"DIGNIIN: Ha noqon dhibanaha wararka beenta ah!"

Tani waa farriin aad arkeyso marka aad booqato website-ka laga leeyahay Koofur Afrika ee Eyewitness News (EWN).

Digniintaas waxay aqristayaasha kula talineysaa inay aad uga feejignaadaan wararka ay helayaan.

Arriinta waxay tahay in la sheego in daabacadda ay noqoto mid sax ah, dhexdhexaad ah, isuna dheellitiran.

Boggaasi wuxuu sidoo kale bixinayaa calaamadaha lagu garto wararka been abuurka ah, waxayna qorayaan bogag badan oo warar been ah soo bandhigo maalinkastaa.

Bogga EWN ayaa isku deyaya inuu muujiyo inuu la dagaallamayo wararka beenta ah ee qaaradda maalinkastaa ku faafa.

Lahaanshaha sawirka EWN
Image caption Bogga EWN waa kii ugu horeeyay ee bixiya talo ka dhan ah wararka beenta ah ee qaaradda

Katy Katopodis, Tafatiraha EWN, waxay u sheegtay BBC-da in ay masuuliyad ka saaran tahay inay difaacaan sharafta saxaafadda ayadoo dadka la wacyigelinayo.

"Waa inaan noqonaa kuwo diyaar u ah inay gartaan halista wararka beenta ah, iyo inaan aqristayaasha siinaa talo ku saabsan sida lagu garto wararka aan xaqiiqada ahayn," ayay tiri.

"Anagoo dhan waxay masuuliyad naga saarantahay inaan muujino wararka xaqiiqada ah ee saxda ah."

Lahaanshaha sawirka Mbuyiseni Ndlozi
Image caption Xisbiga ANC ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu eedeeyay inay daabeceen sawirkan oo ah hogaamiyaha mucaaradka EFF ee Julius Malema

Ama Bhungane, waa weriye baaritaan sameeya, wuxuu sheegay in ujeedada sawirkan kore laga lahaa ay tahay in lagu dilo sumcadda xisbiga u dhaqdhaqaaqa xuriyadda iyo dhaqaalaha ee EFF, ayadoo warbaahinta la adeegsanayo.

Wuxuu tilmaamay in si gaar ah loo bartilmaameedsaday dadka isticmaala baraha bulshada si loogu muujiyo in Malema uu dagaal ooge yahay.

Xisbiga ANC ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay. Xubin ka mid ah ANC ayaa sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay dhibaatada wararka been abuurka ah.

Weedha "war been ah" waxaa aad loo isticmaalay sanadkii tagay, xilligii uu socday ololihii doorashadii Mareykanka.

Ujeedada waxay ahayd in meesha laga saaro warar aad u badan oo lagu baahiyay internet-ka, gaar ahaan baraha bulshada.

Trump 'Waxaa taageeray Pope Frances"

Bog falanqeeya wararka ayaa soo bandhigay in wararka beenta ahaa ay soo jiidashada ugu weyn lahaayeen intuu socday ololihii doorashadii Mareykanka.

Shanta warbixin ee caalamka ugu sareysay sanadkaas waxay ahaayeen warar been ah oo aan xaqiiqo ku saleysneyn.

Waxaa wararkaas ka mid ahaa in Pope-ka kaniisadda Catholic-ga uu taageeray Donald Trump, waxayna ahayd war aan waxba ka jirin.

Baraha internet-ka, sida facebook iyo Google ayaa waxay sameeyeen hannaan dadka ay ka booqan karaan website-yada, taas oo ah in baraha internet-ka ay helaan booqadayaal aad u badan.

U jeedada wararka beenta ah laga leeyahay waxay tahay in dadka la soo jiito, Sida ay sheegayaan weriyayaasha la dagaallama arrintaas.

Gudaha Afrika, waxaa jiro warar dad badan lagu qalday oo been ahaa. Dadka qoray waxay ka rabeen inay kumannaan qof aqristaan warbixinnada.

Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah hordhacyadii ugu sareeyay ee beentana ahaa:

  • Ragga Eritrea oo lagu amray inay laba xaas guursadaan ama la xirayo
  • UK oo shaacisay in Shacabka dalalka Barwaaqa Sooranka iyo Nigeria ay Visa la'aan gali karaan Britain.
  • Trump oo sheegay in Afrikaanka ay yihiin caajisoolayaal ku fiican, cuntada, jaceylka iyo tuugnimada
  • Robert Mugabe oo sheegay in shacabka Zimbabwe ay yihiin daacad, kuwa Kenyana ay xatooyada ka gashay dhiigga.

Qaar ka mid ah dadka sameeya wararka beenta ah ayaa la sheegay inay faa'ido ka helaan tirada dadka booqda bogaggooda.

Dhowaantan bog Kenya laga leeyahay oo ciyaaraha ka faallooda 'Game Yetu' ayaa warbixin ka soo qaaday bog Koonfur Afrika laga leeyahay oo warar been ah qora.

Warbixinta ayaa sheegtay in dalka Zimbabwe uu dumar ciyaartoy ah u diray Brazil si ay uur ugu qaadaan ciyaartoyda dalkaasi, xirfaddana loo hormariyo.

Lahaanshaha sawirka Game Yetu
Image caption Sheekada waxaa laga soo qaatay bog been lagu yaqaano oo South Afrika laga leeyahay

Game Yetu ayaa warka iska fogeeyay wuxuuna geliyay qeybta wararka la isla dhexmarayo iyo xanta.

Balse arrintaas waxaa lagu tilmaamay mid dhiiragelineysa wararka beenta ah, kana hor imaaneysa hubinta xaqiiqada.

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Wararkii beenta ahaa ee sanadkii tagay sida weyn u saameeyay Afrika

Ms Katopodis wuxuu sheegay in wararka beenta ah iyo qaababka hubin la'aanta xaqiiqada ay u baahan tahay in dowladaha ay ilaaliyaan, si ka awood badan qaababkii hore.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan