Abaarta hadda taagan mala mid noqon kartaa tii 2011-kii?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Abaarta hadda jirto oo laga baqayo inay xaalad xun isu badasho

Somaaliya waxa haatan laga soo sheegayaa xaalad abaar oo ba'an oo saameysay dad iyo duunyaba.

Hay'adda gargaarka ayaa waxa ay ku qiyaasayaan, in ka badan seddax milyan oo qof ay u baahanyihiin cunno gargaar ah.

Image caption Abaarta ayaa sababtay in dadka ay barakacayaal ay noqdaan

Meelaha ugu daran waxa ka mid ah degaanada Puntland, koonfur galbeed iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa xaald taa la mid ah laga soo sheegayaa degaanada Soomaaliland.

Haddaba, xaalad tan ka sii daran ayey Soomaaliya soo martay 2011-kii, xilligaas oo kumannaan kun oo soomali ah, oo u badnaa xoola dhaqto ay ka soo talaabeen xuduuda u dhaxeysa Soomaliya iyo Kenya iyagoo doonayey in ay helaan gargaar.

Lahaanshaha sawirka Roderick MaCleod
Image caption Xaaladda abaarta ayaa ku socoto macluul

Dadkaasi intooda badan waxay soo gaareen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ah xerada ugu wayn ee qaxootiga uu ku nool yahay dunida.

Hay'adaha gargaarka ayaa wakhtigaas waxay ku dhawaaqeen in Soomaliya gashay xaalad macluul tii ugu darnayd waxayna sheegeen in macluusha ay ku naf waayeen in ka badan 250 kun oo qof oo soomali ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wareysi: Madaxweynaha Puntland saamayta abaaraha

Intooda badan dadkaasi waxay ahayeen caruur ay da'doodu ka hooseysay shan sano.

Tiradaasi dhimashada waxa la sheegay inay ka sareysay tiradii dhimashada ee la diiwaan geliyey macaluushii Soomaaliya ka dhacaday horaantii sagaashameeyaddii wakhtigaas oo dagaalkii sokeeye ee soomaaliya uu ahaa mid bilaw ahaa.

Image caption Dumar iyo caruur ayaa u badan barakacayaasha

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in sababaha badisay tirada dadkii u dhintay ee macluushii 2011 ay ka mid ahayd, kooxda shabaab oo meelo badan oo ay ka talinaysay ka hor istaagtay in hay'adaha ay gargaar gaarsiiyaan dadkii dhibaataysnaa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Abaarta ku dhuftay gobolka Mudug

Haddaba su'aalo badan ayaa haatan la isweydiiyaa, oo ay ka mid tahay, ma laga yaabaa in xaaladda haatan taagan ay isku rogtay mid la mid ah ama ka daran xaaladdii la soo maray lix sanno ka hor?

Caalamka iyo hay'adaha gargaarka diyar ma u yihiin in xaaladda haddan taagan wax laga qabto?

Xaaladda abaarta ma gaartay heer aannan waxba laga qaban kerin?

Image caption Xoolo badan ayay abaarta baabi'isay

Dowladda Britain ayaa Bisha May ee sanadkan waxay qaban qaabineysaa shir caalami ah oo lagu eegi doono xaaladda Soomaaliya.

Nicholas Kay oo mar ahaa ergayga gaarka ah ee Xoghayihii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaliya ayaa wuxuu ka digayaa in xaaladda ay ka sii dari doonto haddii aanan wax laga qabanin inta u dhaxeysa haddan ilaa bisha May.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gabay ku saabsan abaaraha oo ay tirisay abwaanad Koos Jamac Dhunkaal

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan