Nafaqadarro ka dhalatay abaarta oo halis ku haysa carruurta Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nafaqadarro ka dhalatay abaarta oo halis ku haysa carruurta Puntland

Puntland waxay ka mid tahay meelaha sida weyn ay u aafeysay abaarta saamaysay dad iyo duunyaba ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya

Xoolo dhaqato badan ayaa isaga hayaamay dhulkii ay xoolaha daaqsan jireen, qaarkoodna waxaaba dhaafay xoolihii, arrintaa oo keentay in carruur badan ay nafaqadarro la soo deristo.

Carruurta da'dooda ka yartahay shanta sano ayaa la sheegayaa in ay wajahayaan xaalad nafaqadarro oo halis ah, waxaana hay'adaha samafalka ay ka digayaan in xaaladda ay ka sii dari doonto haddii aan carruurtaasi loo gurman.

Haddaba weriyaha BBCda, Xasan Cali Geele oo safar shaqo dhawaan ku tegay Puntland ayaa ku booqday isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ay ku jiraan tiro carruur ah oo la xanuunsan nafaqadarro, warbixintan ayuuna inooga diyaariyay.