Manchester United oo garaacday Saint-Etienne

  • 17 Febraayo 2017
Zlatan Ibrahimovic Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Zlatan Ibrahimovic

Tartanka Europa League ee ah kan labaad ee Yurub laga dheelo ayaa xalay waxaa wada ciyaaray kooxo badan.

Balse ciyaar xiiso weyn lahayd waxay dhexmartay kooxaha Saint-Etienne oo Faransiiska ka dhisan iyo kooxda Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaa saddex gool iyo eber ku badisay, Waxaana Manchester saddexda goolba u dhaliyay Zlatan Ibrahimovic.

Gabi ahaanba ciyaartaasi waxaa ku gacansaraysay kooxda Manchester United.

Fursadihii ugu badnaa waxaa abuuray ciyaaryahannada kala ah, Martial, Juan Mata, Ibrahimovic iyo Paul Pogba.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Ibrahimovic ayaa noqday ciyaaryahnkii ugu wanaagsanaa ee kulankan

Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic ayaa xili ciyaareedkan dhaliyay 23 gool.

Ibrahimovic oo 35 jir ah ayaa United kaga soo biiray kooxda PSG, waxuuna horay ugu soo ciyaaray kooxaha AC Milan, Barcelona iyo kooxda Juventus.

Taariiqdiisa marka aan dib ugu noqonana 17 ciyaarood ayuu dhaliyay min saddex gool, intii uu Manchester United ku soo biirayse waa kulankii kali ahaa ee hal ciyaar uu saddex gool dhaliyo.