Soomaali lagu xirxiray Mosambiik
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu xirxiray Mosambiik

Xukuumadda Mosambiik ayaa soo saartay amar lagu farayo dadka ajnabiga ah ee sharci darada ku jooga dalkaasi inay ka baxaan. Ayadoo amarkaa la fulinayo ayey boolisku xirxireen tiro dad ah oo ka soo jeeda dalalka deriska la ah Musambiik.

Dadka la xirxiray waxaa ka mid ah soomaali dalkaas ku nool. Dinaca kalena, dhowr qof oo soomaali ah ayaa la soo sheegay in dhawaan ay dalkaas ay ku dhinteen. Farah Lamaane ayaa la xiriiray Maxamed Maxamuud Siyaad oo deggan gobolka Nampula, isagoo weydiiyey inuu marka hore uga warramo xarigga ajaaniibta.