Kenya oo beenisay in telefoonada shacabka la baaarayo

  • 18 Febraayo 2017
Dowladda waxay dooneysaa inay hesho akhbaaradka wicitaanka ee dadweynaha Lahaanshaha sawirka Tom Spender
Image caption Dowladda waxay dooneysaa inay hesho akhbaaradka wicitaanka ee dadweynaha

Laanta dowladda kenya u qaabilsan isgaarsiinta ayaa sheegtay inaan si baaxad weyn loo dabagalidoonin telefoonada dadka.

Balse waxay qirtay inay jirto tallaabo ay dooneyso inay uga hortagto qalabka beenta ah ee Kenya la soo geliyo.

Arrintan ayaa imaaneyso ka dib markii la sheegay in maamulka dalka Kenya ayaa shirkadaha mobile-lada ee dalka ku amray in ay ogolaadaan in la ogaado farriimaha shacabka.

Hay'adda dowladda u qaabilsan dhanka isgaarsiinta (CAK) ayaa shirkadaha telefoonada u qortay dalabka ah in lala socdo xiriirka dadweynaha ee mobile-lada isticmaala.

Waxay dowladda dooneysaa in la siiyo akhbaarta wicitaanka, farriimaha iyo lacagaha telefoonada ugu jiro shacabka.

CAK ayaa dooneyso in arrintaasi loo fududeeyo ayadoo la sheegayo in laamo kale oo dowladda ka mid ah ay horey sidaas u sameyn jireen.

Tallaabadan ayaa noqon karto mid saameysa in ka badan 30 milyan oo qof oo telefoon isticmaala.

Waxaa sidaas lagu ogaan karaa waxyaabaha gaarka u ah dadka, waxaana lumi karo kalsoonida ay shacabka ku qabaan shirkadaha isgaarsiinta.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption In ka badan 30 milyan oo qof ayaa telefoono ku isticmaasha kenya

Shirkadaha ugu waaweyn ee dalabka uu saameynayo waxaa ka mid ah Safaricom, Airtel, iyo Orange.

Madaxda shirkadda arrimaha isgaarsiinta u qaabilsan Kenya ayaa qorshaha filayo inuu dhaqangalkiisa bilowdo isbuuca soo socdo.

Waxay sheegeen in ujeedada ay tahay inay ku raadiyaan waxyaabaha been-abuurka ah ee Kenya la soo geliyo gaar ahaan mobile-lada.

Balse waxaa jiro dhalleeceyn weyn oo arrintaasi loo jeedinayo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan