Boqollaal qoys oo abaarta ay barakicisay oo gaaray Muqdisho

Waxay ka mid yihiin dadka ay xoolaha ka soo dhammaadeen abaar dhaba dheer ka dib
Image caption Waxay ka mid yihiin dadka ay xoolaha ka soo dhammaadeen abaar dhaba dheer ka dib

Boqollaal qoy oo cusub oo abaaraha ka barakacay ayaa gaaray duleedka magaalada Muqdisho.

dadkaasi waxay u badan yihiin dadka ay xoolaha ka dhammaadeen ka dib abaarta dhaba-dheer.

Waxay u badan yihiin caruur iyo haween, waxayna sheegayaan in harraad iyo gaajo ay uga soo qexeen meelihii ay deganaayeen.

Image caption Caruur iyo dumar ayey u badan yihiin
Image caption Dad ay abaaraha soo barakiciyeen oo ku nool meel u dhow Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi farmaajo ayaa markale la kulmay guddiga gurmadka abaaraha, hay'adaha gargaarka iyo ganacsatada.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha kulan la qaatay wakiillada Qaramada Midoobeey, iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinacyadii kulanka ka qeybgalay u sheegay in loo baahanyahay in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadka ay abaarta saameysay.

Sawirro: Abaaraha ka taagan gobolka Soomaalida Itoobiya

Dadka iyo xoolaha haray waxay wada cunaan raashiinka yar ee ay haystaan

Ganacsatada iyo qurba joogta Soomaalida ayuu si gaaar ah ugu sheegay inay gacan ka geystaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka xoolaha ay ka dhmmaadeen ama aysan u suuragalin waxsoosaarka beeraha.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Hay'adaha qaar ayaa billaabay inay gargaar gaarsiiyaan meelaha qaar

"Intaan ka badan ma jirto wax aan sugi karno waa in Todobaadka soo socda aan bilownaa inaan u gurmano dadkeena." Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Kullanka ayaa imaanayo xilli hay'adaha gargaarka ay ka digayaan in abaartan ay la mid noqon karto middii 2011-kii oo la sheegay inay u dhinteen 250 kun oo qof.

Hay'adda xannaanada caruurta ee UNICEF iyo hay'adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegay in kalabar shacabka dalka ay u baahan yihiin in loo gurmado.

QM: 5 milyan oo Soomaali ah ayaan haysan cunto ku filan

Abaarta hadda taagan mala mid noqon kartaa tii 2011-kii?

Lahaanshaha sawirka Radio Muqdisho
Image caption Kullankii abaaraha ee madaxweynaha uu la yeeshay qeybaha bulshada, dowladda iyo wakiillada caalamka

"Qiyaastii 6.2 milyan oo qof ayey haysaa cunto la'aan ama halis ugu jira macluul", ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay labada hay'adood si wada jir ah ay u soo saareen.

"Waxaa la filayaa in 944 kun oo caruur ah ay ku dhacdo nafaqo la'aan illaa dhammaadka sanadkan".

"Qiyaastii 185 kun oo ka mid ah waxaa ku dhicidoonta nafaqo la'aan aad u xun, waxayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah", ayaa lagu xusay warka hay'adaha ay soo saareen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
UNICEF ayaa sheegtay un 944 kun oo caruur ay nafaqo la'aaan ku dhicikarto. Afhayeenka UNICEF Jamaal Cabdi Sarmaan ayaa sharaxaya

Hay'adahaasi waxay sheegayaan in ay weli jirto deegaano aan gargaar la gaarsiin Karin, "arrintaas oo walaac weyn ah".

Waxay doonayaan in gurmad badan la geeyo goobaha ay hay'adaha tagi karaan ee ay ku nool yihiin dadka abaaraha ay soo barakiciyeen.

Labada hay'adood waxay sheegayaan inay u baahan yihiin $450 milyan oo dollar oo bilaha soo socda loogu gargaaro Soomaalida ay abaarta ku dhufatay.

MSF oo dib u billaabeysa shaqadii ay ka waday Soomaaliya

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya ka jirto ayaa laga deyrinayaa ka dib markii dalka aysan ka di'in roobab wanaagsan muddo dhowr sano ah.

Abaarta ayaa si isku mid ah u saameysay intabadan dalalka bariga Afrika, waxayna si weyn u taabatay dad u badan xoolo dhaqato iyo beeraley.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
BBC-da oo tagtay deegaanada abaaraha ay ka jiraan ee Nugaal

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan