Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho waxaa horey uga dhacay weeraro lagu dilay xubno dowladda ka mid ahaa Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muqdisho waxaa horey uga dhacay weeraro lagu dilay xubno dowladda ka mid ahaa

Rag hubeysan oo watay gaari ayaa rasaas oodda uga qaaday gaari uu la socday taliye kuxigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Taliyaha wuxuu murayay isgoyska Ceel-Gaab ee magaalada Muqdisho xilliga la weeraray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay inuu weerarkaasi ku dhaawacmay Xasan Dheere oo mar taliye kuxigeen ka noqday hay'adda NISA.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhintay askari ilaale u ahaa.



Dhinaca kale degmada Hodan rag hubeysan oo watay gaari ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamad Cumar Hagafeey.

Xagafeey ayaa isla goobta ku geeriyooday sida ay BBC-da u sheegeen xubno ay isu dhawaayeen marxuumka la dilay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada weerar ee maanta Muqdisho ka dhacay.


Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan