Farmaajo oo sheegay in $100 kun oo dollar la siindoono qofkii qarax soo sheega

Qaraxa ayaa suuqa burburiyay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaraxa ayaa suuqa burburiyay

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ballan qaaday in $100 kun oo dollar la siin doono qofkii sheega akhbaar ku saabsan gaari walxaha qarxa ku xiran yihiin.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi sheegay ka dib markii uu cisbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 34 qof.

Sidoo kale ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo ka dhacay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla degmada Wadajir.

Sidoo kale, hay'adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa shacabka weydiisatay inay soo sheegaan qofkii ay ku arkaan bastoolad.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dadka dhintay waxay u badnaayeen adeegato

Taliyaha nabad-sugidda, Janaraal Cabdullahi Gaafoow Maxamud ayaa sheegay in $10 kun oo dollar ay siindoonaan qofkii sheego "dadka ka dambeeyo dilalka qorsheysan".

Janaraal Gaafoow ayaa tilmaamay inay dadka ka soo wici karaan NISA, 991, marka ay doonayaan in sirdoonka ay ku wargeliyaan waxyaabaha amni xumada keenaya.

Qarixii shalay wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhacay tan iyo markii Farmaajo la doortay.

Wuxuuna sidoo kale imaaday saacado ka dib markii Al-shabaab ay ku dhawaaqeen inay dagaal la galayaan dolwadda madaxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo.

Maxaa loo baaahan yahay

Inkastoo weli madaxweynaha uusan dhisin xukuumaddiisa, welina la eegayo maalinta caleemo saarka, hadana "waxaa loo baahan yahay in tallaabooyiin muhiim dhanka amniga ah la qaado", sida ay qabaan dadka amniga ka faallooda.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Yaa gacanta ku haya ammaanka Muqdisho?

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalloodda xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in khudbada uu jeedindoono madaxweyne Farmaajo, maalinta caleemo saarka, loo baahan yahay in laga dheehdo waxqabadka iyo sida uu amniga u wajahayo.

"Dowladda waxaa laga sugayaa inay dejiso siyaasaddii lagu shaqeynlahaa, ama mid amni ha noqoto ama mid bulsho ha noqoto", ayuu yiri Dr Bursaliid.

"Amniga magaalada waxaa weli maamusho dowladdii hore, wuxuuna Farmaajo la wareegi karaa marka uu ra'iisul wasaare keeno oo gole wasiiro soo dhiso."

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan