Atariisho caan ah oo lagu 'kufsaday' dalka Hindiya

Dibad baxayaal Hindi ay isu soo baxay si ay u maamuusaan kufsi xun oo gabar ardey ahayd loogu geystay Hindiya laba sano ka hor Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibad baxayaal Hindi ay isu soo baxay

Booliska gobolka Koofurta Hindiya ee Kerala ayaa waxay xireen seddax qof oo looga shakisan yahay inay afduubteen, ka dibna kufsadeen atariisho caan ah oo aan magaceeda la shaacin.

Gabadha jilaaga ah waxay sheegtay in gaarigeeda ay seddax nin ugu soo galeen Jimcihii, ka dibna ay kufsadeen.

Booliska waxay xaley xireen darewalkeeda iyo laba qof oo kale.

Sikastaba, qofka sida weyn looga shakisan yahay oo ah dareewalkeedii hore, ayaa weli la raadinayaa.

Atariishada waxay sheegtay in laba saacadood ay haysteen raggaasi, ayna ugu hanjabeen inay baahinayaan muuqaalkeeda iyo sawirro ay ka qaadeen saacadihii ay afduubka u haysteen.

Ciidamada amniga ee koonfurta Hindiya waxay sheegeen inay seddax qof oo kale weli raadinayaan.

Waxay booliska u gudbisay dacwo ah, afduub, kufsi, khiyaano, iyo in xoog lagu haystay.

Warka kufsiga ayaa sababay xanaaq, dad badan oo ka mid ah jilaayaasha Koonfurta Hindiya ayaa si adag arrinta uga hadlaya.

"Waa wax lala yaabo. ma aaminin in arrintan ay ka dhacday Cochin halkaas oo dumar badan ay xilli dambe oo habeenkii ah ay guryaha u hoydaan," Agaasimaha aflaanta Lal, oo hal magac oo keli ah adeegsada, ayaa BBC-Hindi sidaas u sheegay.

Atooraha caanka ah Mohanlal wuxuu bartiisa Facebook ku qoray: "Waa xilligaan joojin lahayd inaan shumacyo shidno, waana inaan xaqiijinaa in sharciga uu xoog leeyahay. Waa inuusan qofna ku dhiiran inuu ficilladan kuwo la mid ah sameeyo. Waxaan ka naxsanahay gabadha Jilaaga ah waxa ku dhacay. Cadaaladda waa in la horkeenaa, si habsami la'aan ah".

Kufsiga iyo tacaddiga ka dhanka ah dumarka ayaa dalka Hindiya ku badan in kastoo uu dalkaasi ka jiro olole weyn oo lagula dagaallamayo.

Sanadkii 2012-kii, gabar ardey ahayd ayaa si xun loogu kufsaday magaalada Delhi lana dilay, taas oo dhalisay carro aan caadi ahayn.

Ayadoo kiiskaas laga jawaabayay waxaa Hindiya laga dhaqan geliyay sharciyo adag oo ka dhan ah kufsiga.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan