Maraykanka: Gabar Soomaali ah oo qolkeeda lagu jeex jeexay Kitaabka Quraanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maraykanka: Gabar Soomaali ah oo qolkeeda lagu jeex jeexay Kitaabka Quraanka

Ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu la wareegay hogaanka Maraykanka, ayaa waxaa soo badanaya naceybka lagula kacayo dadka aan caddaanka ahayn, gaar ahaan kuwa qaxootiga ah ee dalkaasi kunool.

Khadiijo Cabdulqadir oo laga qaaday xeryaha Dhadhaab, haddana jaamacad ka dhigata magaaladda New York, ayaa dhawaan waxa ay ku qasbanaatay in ay ka guurto qol ay gabar kale la degneyd ka dib markii sida ay sheegtay lagu xadgubay diinteeda.

Khadiijo ayaa BBC u sheegtay in gabar qolka la deganeyd ay Kitaabka Quraanka jeex jeexday ka dibna musqusha ku ridday.

Sida ay wax u dhaceen ayay uga warrantay weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan.