Ciidanka Ciraaq oo bilaabay duullaan ay ku qabsanayaan bariga Mosil

Ciidanka Ciraaq oo duqaynaya fariisimaha kooxda IS Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidanka Ciraaq oo duqaynaya fariisimaha kooxda IS

Ciidanka Ciraaq ayaa billaabay guluf weyn oo ay dib kaga qabsanayaan qaybta galbeed ee magaalada Mosil mintidiinta Dawladda Islaamiga.

Wariye BBC ka tirsan oo la socda ciidanka Ciraaqiyiinta ayaa sheegaya in boqolaal gaari iyo rag badan ay ka qayb qaadanayaan, kuwaasoo ay cirka ka taageerayaan dayaaradaha dagaalka ee xulafada oo garaacaya fariisimaha mintidiinta.

Ilo xagga milateriga ah ayaa sheegay in ugu yaraan laba tuulo dib looga qabsaday kooxda.

Moosil ayaa ah halkii ugu dambeysay ee ay kooxda IS xoogga ku lahaayeen gudaha Ciraaq.

QM: Hala ilaaliyo rayidka ku go’doonsan Mosul

Xoogagga dawladda waxay bishii hore la wareegeen qaybta bari ee magaalada, ka dib todobaadyo ay dagaallo culus socdeen.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xoogagga Ciraaqiyiinta inay xaqiijiyaan bedqabka boqollaal kun oo qof oo magaalada ku xayirmay.