Waraysi:  Tirada kiisaska kufsiga ee Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Tirada kiisaska kufsiga ee Puntland

Xeer ilaaliyaha guud ee maamul goboleedka Puntland, Maxamud Xasan Aw- Cismaan, ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay diiwaangeliyeen 123 kiis oo kufsi ah, kuwaasoo ka dhacay guud ahaan deegaannada hoos yimaada maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in cadaaladda la horgeeyay inta badan raggii geystay kufsiyadaasi ay diiwaangeliyeen.

Weriyaha BBC Faarax Lamane ayaa xeer ilaaliye Maxamud Xasan ka wareystay kufsiga iyo waxyaabaha ay sameeyeen si ay uga hortagaan.