Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey
Image caption Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay suuq yar oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Warkaas waxaa BBC-da u xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaal Madiino ayaa BBC da u sheegay in 47 qof oo dhaawacyo qaba la soo gaarsiiyay isbitaalkooda, hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in dad kale oo dheeraad ah ay dhaawacyada u dhinteen.

Image caption Shaqaalaha caafimaadka oo la tacaalaya dadka dhaawacmay

Weli ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, dawladda Soomaaliyana weli kama hadlin.

Ciidamada dawladda ayaa la soo sheegayaa inay ku sugan yihiin goobta uu qaraxu ka dhacay.