Maxkamadda Masar oo go’aamineysa racfaanka rabshaddii Port Said

Masar
Image caption Qoysaska dadkooda ay dhinteen oo ka dhursugaya xukunka maxkamadda

Maxkamadda ugu saraysa Masar ayaa maanta shaacin doonta go'aankeeda ku aaddan racfaan ay qaateen 11 qof riday xukun dil ah, dadkaasi oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen rabsho ka dhacay garoon kubadda cagta lagu dheelo sanadkii 2012.

Sidoo kale 10 qof oo lagu xukumay xabsi daa'in ayaa iyaguna racfaan qaatay.

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay rabshadaasi ka dhacday garoonka ciyaaraha ee magaalada Port Said mudda hadda laga joogo 5 sano.

Masaarida ayaa rabshadaasi ku tilmaama dil wadareed ka dhacay Port Said, waxaana ay noqotay tii ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda kubadda cagta ee dalkaasi.

Durbadiina markii uu dhammaaday kulankii u dhexeeyay kooxaha Al-Masri iyo Al-Ahli, ayaa garoonka waxa uu isu bedelay goob dagaal.

Taageerayaasha labada naadi ayaa gacanta isula tegay, taasoo dhalisay in ay dhintaan tobanaan qof.

Ma jirto cid si dhab ah uga hadashay sababta keentay isku dhaca taageerayaasha, balse booliska ayaa lagu eedeeyay in ay joojin waayeen rabshadda.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah taageerayaasha ay ku hubeysanaayeen mindiyo iyo dhagxaan.

Qoysaska dadkii ku dhintay rabshaddaasi ayaa si dhaw ula socon doona go'aanka maxkamadda ee maanta, waxaana ay ka dhursugayaan in cadaalad loo sameeyo.