Mugabe oo markii u horaysay taageeray Trump

Mugabe Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump siyaasaddiisa ah "Dalka Maraykanka dadka Maraykankaa iska leh".

Mugaabi oo markii u horaysay ka hadlay madaxtinimada Trump ayaa sheegay in uu la yaabay guusha uu doorashada ka gaaray, balse uusan jeclayn in ay "guulaysato Hillary Clinton".

Laakiin wuxuu sheegay in uu waafaqsan yahay wadaniyadda Donald Trump marka ay timaaado aragtidiisa ah "Dalka Maraykanka dadka Maraykankan kaa leh, sababtuna ay tahay dalka Zimbabwe dadka Zimbabwe baa leh".

Mugabe ayaa hadalkan sheegay isga oo waraysi siinaya wargaysk ay dawladdu leedahay ee Herald.

Wuxuu intaas ku daray in Trump la siiyo fursad si uu u soo bandhigo awooddiisa.

"Ma aqaano. Wakhti siiya. Waxaa laga yaabaa in Trump uu dib u fiiriyo cunaqabataynta Zimbabwe" ayuu yiri Mugabe.

Waraysiga Mugabe oo dhamaystiran ayaa caawa laga baahin doonaa telefishinka dawladda taas oo ku soo beegmaysa xafladdiisa dhalashada ee berrito isaga oo 93 jir noqonaya.

Mugabe ayaa sidoo kale sheegay in uu sii hayn doono hogaanka maadaama oo dadka intooda badan rumaysan yihiin in uusan jirin qof la aqbali karo oo baddali kara.

Xisbiga Zanu-PF ayaa u magacaaabay in uu xilka madaxweynenimada ugu tartamo sanadka soo socda

Mugabe ayaa Zimbabwe soo maamulayay tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay sanadkii 1980kii.