Macaluul ka dillaacady gobol ka mid ah Suudaanta Koonfureed

Dad saf ugu jira inay cunto helaan oo ku nool Suudaanta Koonfureed Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dad saf ugu jira inay cunto helaan oo ku nool Suudaanta Koonfureed

Hay'adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ku dhawaad shan malyan oo qof oo ku nool suudaanta koofureed ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin.

Hay'adaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkaas ay u baahan yihiin in laga taageero dhanka wax soo saarka beeraha.

Ilaa 100,000 oo qof oo dadkaas ka mid ah, gaar ahaan gobolka Unity State ayaa la sheegayaa in ay macaluul haysato.

Sida laga soo xigtay xafiiska tirakoobka ee xukuumadda dalkaas iyo hay'adaha maxalliga ah, 1 malyan oo qof oo kale oo dheeraad ah ayaa iyagana la sheegay inay gaajo qarka u saaran yihiin.

Waa qaylo dhaantii ugu darnayd ee nooceeda ah ee lagu dhawaaqo tan iyo macaluushii ba'nayd ee Soomaaliya ka dhacday 2011.

Hay'addaha Qaramada Midoobey ee FAO iyo UNICEF iyo Barnaamijka cunada dunada ee WFP ayaa, waxay sheegeen in loo baahanyhaya in la qaado talaabooyin deg deg ah si looga hortago in dad badan ay gaajo u dhintaan.

Waxay sheegeen in haddii la joogteeyo gargaar la gaarsiiyo dadka u baahan, in ay suurtagal noqon karto in bilaha soo socda la wanaajiyo xaaladda ay ku suganyihiin dadka baahan.

Dadka u baahan cunada gargaarka ayaa waxa la sheegayaa in ay gaari doonto 5.5 milyan oo qof, marka la gaaro bisha July.

Sida ay sheegeen hay'adahan, xaaladda macaluusha ayaa waxa ay saameysay gobolka Unity State ee ku yaalla Waqooyiga dalkaasi South Sudan.

In lagu dhawaaqo xaalad macaluul ayaa waxa ay ka turjumaysaa in haddan ay jiraan dad u dhimanaya gaajada ka jirta gobolkaasi


Hay'addaha Gargaarka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka socday saddexda sano, uu saamayn weyn ku yeeshay xaaladda dadka Suudaanta Koonfureed.

Waxayna intaas ku dareen in sidoo kale dhaqaalaha dalkaas uu hoos u sii liicayo, taas oo sabab u ah dhibaatada laga soo sheegayo dalkaasi.

Xaaladdan looga dhawaaqay South Sudan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo abaaro ba'an laga soo sheegayo waddamada geeska afrika ee Somalia, Kenya, iyo Ethiopia

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan