Amiirka Muslimiinta Nigeria oo xiriir u yeelay guurka badan iyo argagixisada

Emir Sanusi wuxuu xilka hogaamiyaha Muslimiinta Niegria qabtay sanadkii 2015kii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Emir Sanusi wuxuu xilka hogaamiyaha Muslimiinta Niegria qabtay sanadkii 2015kii

Wadaad caan ka ah dalka Nigeria oo taageerayaal badanna leh oo lagu magacaabo Emir Lamido Sanusi II, ayaa xiriir u yeelay xaasaska badan ee la guursado iyo "argagixisada".

Wuxuu sheegay in imaaradiisa ay culimada Islaamka kala shaqeyneyso sidii loo eegi lahaa dhibaatooyiinka la xiriira guurka.

Wuxuu qiray inuu jaamacadda sida weyn loo xushmeeyo ee Bayero uu ka doonayo inay sameyso qoraal ku saabsan dhibaatada haysata Muslimiinta Woqooyiga Nigeria iyo arrimaha guurka, xiriirka ay leeyihiin.

Lamido Sanusi ayaa doonaya in la mamnuuco guurka qasabka ah, iyo guursashada xaasas badan.

Wuxuu sheegay in la eegayo sida aabaha uu u bixin karo dhaqaalaha reerka, iyo awooddiisa ah inuu ka war-hayo caafimaadka xaasaskiisa.

Shirciga uu doonayo in la sameeyo waxaa sidoo kale soo gali doono furriinka, dhaxalka, iyo korriimada caruurta.

Emir Sanusi wuxuu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay in xeerka cusub uusan qilaafeyn diinta Islaamka iyo waxa ay ka qabto arrimaha guurka la xiriira, sida dhibaatada qoyska.

Sanusi ayaa hadalkiisa ku daray in sharciga uu qeexidoono heerka uu ninka ku guursan karo xaas labaad.

Emir Lamido Sanusi, wuxuu sheegay in rag badan oo aanan awoodin inay hal xaas biilaan, ay guursadaan xaasas badan, 20 caruur ahna ay dhalaan.

"Caruurta waxay noqdaan waxbarasho la'aan, jidadka ayaa looga tagaa, waxayna u koraaan sida burcad iyo argagixiso", ayuu yiri.

Sheekh Sanusi ayaa ahaan jiray madixii bangiga dhexe ee dalka Nigeria, sanadkii 2015kii ayaa laga dhigay amiirka Muslimiinta Nigeria.

Qoraalka xeerka cusub ayaa la filayaa in si degdeg ah uu diyaar ku noqdo, ka dibna loo gudbiyo dowladda gobolka Kano, si ay u ansixiso.

Haddii uu dhaqan galo wuxuu noqonayaa xeerkii ugu horeeyay ee noocan ah ee laga aasaaso Woqooyiga Nigeria oo Muslimiinta ay ku badan yihiin.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan