Ciidamada Ciraaq oo galbeedka Mosul ku sii dhowaanaya

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Diyaarado ayaa duqeynaya fariisimaha Daacish ee Mosul

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa u dhowaaday deegaanada dhanka Galbeed kaga beegan Mosul.

Waa maalintii labaad ee uu socdo wejiga labaad ee dagaalka dowladda iyo xulafadeeda ay ugu jiraan inay daacish uga saraan Mosul.

Deegaanka Abu Sharif oo kaabiga ku haya Mosul, waxaa duqeeyay diyaarado ayadoo militarigana uu dhulka kaga siqeen.

Hadda wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada ay galeen qeybo ka mid ah Abu Sharif.

Qeybaha bari ee Mosul waxaa ururka Khilaafada Islaamka laga saaray bishii la soo dhaafay, ka dib dagaal aad u culus.

Abu Sharif, oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Mosul, waxaa loo arkaa inay muhiim u ahayd daacish oo hadda dhanka Galbeed isugu tagtay.

Image caption Ciidamada waxay madfac ku rakibteen dhismo burburay oo uu lahaan jiray Saddam Xuseen walaakii

Dagaalka ayaa mar gaabis uu galay ka dib markii daacish ay miinooyiin ku xirtay jidadka Mosul, sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysa dagaalka.

Axaddii, ciidamada ciraaq waxay qabsadeen tuulooyiin badan, waxaana caawinayay diyaaradaha dagaalka.

Qof shacab ah laguma arag dhammaan goobaha ay qabsadeen, sida weriyaha BBC-da ee ciidamada la socota ay ku warrantay.

Image caption Ciidamada Ciraaq hadda waxaa u muuqdo magaalada Mosul

Ciidamada qaar waxay u jiheysteen dhanka saldhigga ciidamada ee deegaanka Ghazlani, halkaas oo ay doonayaan inay u adeegsadaan xarunta dullaanka ka dhanka ah daacish.

Maanta ah, xoghayaha difaaca ee Mareykanka James Mattis ayaa gaaray Baqdaad. Wuxuu ku tagay halkaas safar aan horey loo shaacin.

James Mattis ayaa warbaahinta u sheegay in ciimada Mareykanka aysan u joogin Ciraaq inay shidaalka qaataan.

Image caption Garoonka diyaaradaha ee Mosul ayaa labo mile u jira Abu Sharif

Hadalkiisaas ayaa u muuqdo mid uu ku xoojinayo hadalkii Trump ee bishii hore uu ku sheegay in Mareykanka ay ahayd inuu ceelasha shidaalka Ciraaq ilaaliyo markii uu ciidamada kala baxayay, sanadkii 2011-kii.

Image caption Dagaalka ayaa burbur weyn gaarsiiyay deegaanka Abu Sharif

Kumannaan askeri ayaa ka qeybgalaya dagaalka, waxaana taageerayo diyaarado, gawaarida gaashaaman iyo madaafiicda dhulka laga rido.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dagaalka Mosul oo maalintii labaad galay

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan