Trump oo magacaabay lataliyihiisa ammaanka qaran

Maraykanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump iyo jeneraal HR McMaster,

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lataliyihiisa ammaanka qaran u magacaabay jeneraal HR McMaster, kaasoo bedeli doona jeneraal Michael Flynn.

Jen. Flynn oo xilkaasi hayay 24 cisho oo keliya ayaa laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu xiriir aan munaasab ahayn la sameeyay Ruushka.

McMaster ayaa ka tirsan ciidanka Maraykanka, waxaana uu ka qeyb qaatay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, asagoo ka shaqeynayay ka hortaga musuq maasuqa.

Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah.

Mr Trump oo magacaabidan shaaciyay asagoo ku sugan daarta Mar-a-Lago ee uu ku leeyahay gobolka Florida, ayaa ku tilmaamay jen. McMaster "nin khibrad badan leh, oo xushmad badan ka dhex kasbaday ciidamada."

Weriyayaasha ayaa sheegaya in jen. McMaster uu caan ku yahay soo bandhigidda aragtidiisa.

Jariirada Time ayaa sanadkii 2014 ku dartay liiska boqolka qof ee ugu saameynta badan caalamka.

Ninkan loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaran ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo fursadan la siiyay.