Askeri Israa'iili ah oo lagu xukumay 18-bilood oo xabsi ka dib markuu dilay Falastini

Elor Azaria waxaa la xiray ka dib markii dilka uu dhacay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Elor Azaria waxaa la xiray ka dib markii dilka uu dhacay

Askeri Israa'iili ah oo dilay wiil Falastiini ah oo dhaawac ahaa ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah.

Kiiskiisa ayaa khilaaf weyn ka dhexdhaliyay Israa'iil, waana lagu kala aragti duwan yahay.

Elor Azaria Waxaa lagu helay dembi ah inuu si ulakac ah u dilay wiil Falastiini ahaa oo 21-sano jir ahaa.

Dilka ayaa dhacay ka dib markii middi lagu weeraray askar Israa'iiliyiin ahaa, waxay toogteen mid ka mid ah dhallinyaradii la sheegay inay weerarka qaadeen.

Cabdulfatax Al-Sharif ayaa dhaawac uu soo gaaray, balse Elor Azaria ayaa xabad ku dhuftay, waxaana laga duubay muuqaal markuu dilayay.

Arrinta ayaa ka dhacday Daanta Galbeed, bishii March ee sanadkii la soo dhaafay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muuqaalka dilka oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa caro dhaliyay

Azaria ayaa dilka ka dib saaxiibadii u sheegay in Sharif uu u qalmay inuu dhinto, ka dib markuu middi ku duray askeri kale.

Saraakiisha militariga Israa'iil ayaa cambaareeyay ficilka uu askerigaasi ku kacay.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu taageerayo go'aanka maxkamadda ay gaartay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in wiilka Falastiiniga ahaa uusan xittaa xilligaas awood u lahayn inuu qof dhibaateeyo, maadaama uu gaaray dhaawac halis ahaa.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Maxkamadda waxay diiday sheegashada Azaria oo ahayd inuu u maleeyay in Sharif uu midida qaadan rabo markale

Wuxuu sidoo kale askeriga Israa'iiliga ah uu sheegay in dadka Falastiin ay u qalmaan inay dhintaan.

Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa sababay muran iyo xanaaq badan.

Kiiska maxkamadda waxaa ku kala qeybsamay dadka Israa'iil.

Dadka eedeynaya Elor Azaria waxay u arkaa dilaa, halka kuwa taageersanna waxay sheegayaan inuu yahay geesi difaacay saaxiibadiisa oo la dili lahaa.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan