Libiya: Xayiraad safar oo dumarka oo keli ah la saaray

Dumarka oo hormuud ka ahaa dibad baxyadii Qadaafi meesha looga saaray ayaa tallaabadan u arko mid dib u dhac ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dumarka oo hormuud ka ahaa dibad baxyadii Qadaafi meesha looga saaray ayaa tallaabadan u arko mid dib u dhac ah

Saraakiisha militariga ee maamulo bariga Liibiya ayaa soo saaray xayiraad dhanka socdaalka ah oo la saaray dumarka da'dooda ka yartahay 60-sano.

Xayiraadda waxay tahay in dumarkaasi aysan iskood ugu safri karin dibadda dalka Liibiya.

Talaabadan ayaa lagu tilmaaamay "sababo amniga la xiriira". mana ahan mid xagjirnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maaamulka Bariga Liibiya.

Weriyaha BBC-da ee Woqooyiga Afrika, Rana Jawad, waxay sheegtay in tallaabadan ay saameyneyso dhammaan dumarka socdaalka ku siimaraya dhanka bariga Liibiya.

Liibiya waxay u qeybsan tahay laba maamul, mid ku sugan bariga iyo mid caalamka uu aqoonsan yahay oo ka jiro caasimadda Tripoli.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Khalifa Xaftar wuxuu dagaal kula jiraa Islaamiyin, sida Daacish

Dowladda dhanka bariga waxaa xarun u ah Al-Beyda, xayiraaddana waxay si rasmi ah uga dhaqan gashay garoonka diyaaradaha ee Labrag ee bariga.

Maamulkaas waxaa hogaamiye u ah Janaraal Khalifa Xaftar.

Image caption Qariidadda Liibiya

Afhayeen u hadlay maamulkaas oo lagu magacaabo Cabdirasaaq Al-Naduri, ayaa BBC-da u sheegay dhaqangalka xannibaadda.

Wuxuu sheegay in dumarka arrimaha bulshada ka shaqeeya ee sida joogtada ah ugu safro dibadda ay u 'shaqeeyaan sirdoon ajaaniib ah'.

Go'aanka oo aan baarlamaanka u codeyn ayaa si degdeg ah looga dhaqan geliyay bariga Liibiya.

Saraakiisha maamulkaasi ayaa tilmaamay in safarada cirka iyo dhulka uu saameynayo go'aanka.

Liibiya dagaallo ayaa ka socdaan tan iyo markii xilka laga tuuray Mucamir Al-Qadafi, sanadkii 2011-kii.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan