Amniga meesha uu yaallo maydka Kim Jong-nam oo aad loo adkeeyay

Ciidamada gaaarka ah ee Malaysia oo ku sugan cisbitaalka maydka uu yaallo Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidamada gaaarka ah ee Malaysia oo ku sugan cisbitaalka maydka uu yaallo

Amniga meesha lagu keydiyay maydka Kim Jong-nam, oo ka mid ah magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, ayaa si aad ah loo adkeeyay.

Kim ayay isku aabo ahaayeen hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

Kim wuxuu dhintay isbuucii la soo dhaafay, waxaana loo maleynayaa in la sumeeyay xilli uu sugayay inuu diyaarad ka raaco garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wiilkiisa Kim Han-sol uu u safray Malaysia si uu maydka u soo qaato.

Waxaa sidoo kale sare u kacay qilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Malaysia iyo Kuuriyada Woqooyi.

Khilaafka wuxuu imaaday ka dib markii Malaysia ay diiday dalab kaga imaaday safaaradda Kuuriyada Woqooyi oo ahaa in maydka lagu wareejiyo.

Malaysia waxay dalbatay in dhiigga Hida-sidaha ee DNA-ga la baaro si loo aqoonsado ka hor intaan la wareejin maydka.

Waxaa jiro baaritaan la sameeyay oo ah sida uu u dhintay Kim Jong-nam. Natiijada ayaa la filayaa in isbuucan la shaaciyo.

Lahaanshaha sawirka Fuji TV
Image caption Muuqaal ay duubtay kaamirada amniga ayaa muujisay haweeney wajiga Kin maro ku dabooshay

Inkastoo uu jiro tuhun ballaaran oo ku aadan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay dilkan, haddana wax caddayn ah looma hayo, Pyongyang illaa iyo hadda war rasmi ah kama aysan soo saarin dhacdadaas.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheecisay in Kuuriyada Waqooyi ay soo maleegtay dilkaas.

Dhanka kalana muuqaal u muuqda in uu muujinayo dilka ayaa soo baxay, waxaana laga sii daayay telefeshin Japan laga leeyahay.

Siduu ku yimid murankan dublamaasiyaddu?

Malayshiya ayaa ka mid ahayd dalal kooban oo joogteeyay calaaqaadka dublamaasi ee ay la leeyihiin Kuuriyada Waqooyi, balse dilkan ayaa murjiyay xaaladda.

Todobaadkii hore ayayna Malayshiya diiday in ay aqbasho dalab uga yimid Kuuriyada Waqooyi oo ahaa in ay fasaxaan Maydka Kim isaga oon baaritaan lagu samaynin sababta uu u dhintay.

Arrintaas ayaa sababtay in danjraha Pyongyang ee Malayshiya Kang Chol in uu Kuala Lumpur ku eedeeyo in ay "wax qarinayso"

Arrintaas ayaana sababtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Malayshiya ay si caro leh uga jawaabto iyada oo sheegtay in eedayntaasi "aysan sal lahayn". waxayna intaas ku dartay in ay masuuliyadooda tahay in ay baaraan dhimashada Kim maadaama oo uu Malayshiya ku dhintay.

Muxuu mudanayaa maydka Kim?

Xukuumadda Malayshiya waxay hadda sugaysaa natiijada ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyay maydka. Balse danjire Kang Chol ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqbali doonin natiijada maadaama oo baaritaanka la sameeyay iydoo aysan joogin cid ka socota Waqooyiga Kuuriya.

Malayshiya ayaa sidoo kale diiday in ay fasaxdo maydka Kim, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay in ay qaaddo baaritaan ku saabsan dheecaaanka hide sidaha ee DNA-ga loo yaqaanno. Booliiska ayaana hadda baadigoobaya qof ka mid ah qoyskiisa.

Lahaanshaha sawirka REX/Shutterstock
Image caption Haweeneyda la xiray waxay sheegtay inay u maleysay inay barnaamij kaftan oo TV ka qeybgaleyso

Waxaa la rumaysan yahay in dad ka mid ah qoyska Kim ay kala joogaan Beijing iyo Macau.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Afar qof oo u dhalatay dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa lagu xiray Malaysia oo baaritaan uu ku socdaa

Abdul Samah Mat oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Malayshiya ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in haddii aysan jirin dad ehelkiisa ah oo doonaya mayka Kim isla markaasna la soo gabogabeeyo dhammaan baaritaannada in markaas ay ku wareejin doonaan maydka safaaradda Kuuriyada Waqooyi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan