Mashquulka telefoonka 'wuxuu sababaa walwal'

Lamaane ku mashquulsan telefoonadooda Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Lamaane ku mashquulsan telefoonadooda

Illaa goormaad telefoon la'aan ahaan kartaa?

Dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga waxay ogaadeen in jawaabtu ay noqoneyso daqiiqado yar oo keli ah.

Dhallinyarada da'dooda ay u dhexeysp 18-26 jir, markey ugu badato daqiiqad ayey moogaan karaan telefoonkooda.

Cilmi baarista waxaa lagu ogaaday in dadka telefoonada laga qaaday ay dabeecadooda is bedeleyso oo ay xanaaqayaan.

Marka ay telefoonka haystaan way deggan yihiin, mana careysno, ayaa lagu yiri natiijada ka soo baxday baaritaanka.

Dadka ka qeybgalay baaritaanka qaar ka mid ah ayaa la siiyay telefoono kale oo aan ahayn kuwooda, waxaa ka muuqday xoogaa walwal, inakstoo uu yaraa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption dadka marka ay telefoon la'aan yihiin, waxa ay muujiyaan walaac.

In lagu farxo telefoonka waxay muujineysaa in badalay aadanaha iyo xiriirka ay wadaagaan, ayay sheegeen cilmi baarayaasha.

Qofka dhallinyarada ah ee telefoonka aad u isticmaala, lama dhaqmi karo ama ma jeclo xiriirka uu la yeelanayo qofka caadiga ah ee la joogo, ayaa lagu yiri qoraalka ay seynisyanahada soo saareen.

Waxay is barbardhigeen qofka telefoonka haysta iyo ilmo yar oo maryo ku ciyaaraya oo hooyada ay ka maqan tahay.

Waxaa u soo baxday in ay isku mid ka yihiin dhanka ciyaarta iyo farxadda.

Waxaa baaritaanka sameeyay seynisyahanno ka socday jaamacadda Eotvos Lorand ee dalka Hungary, waxaana lagu daabacay wargeys ka hadlo dabeecadda aadanaha.

Veronika Konok, oo ka mid ah qoraayaasha ayaa sheegtay: "Ujeedada waxay noqon kartaa waxa ku jiro telefoonka, sida sawirada, dadka muhiimka ah ama game-ka".

"Telefoonka waa muhiim sababtoo ah wuxuu u taagan yahay isku xirka bulshada", ayey ku dartay hadalkeeda.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xitaa haddii laguu soo dhoweeyo telefoon qof kale leeyahay, walaaca wuu kaa yaraanayaa, ayaa lagu xusay warbixinta

Koox dhallinyaro ah oo da'dooda ay u dhexeysay 18-26-sano oo 87 ahaa ayaa meel la isugu geeyay.

Waxaa laga duubay muuqaallo, waxaana la cabiray garaaca wadnohooda oo si aad ah loola socday..

Bar ka mid ah dhallinyaradaas ayaa teleefoonadooda laga qaaday, waxaana lagu xiray qaanado.

Mid kastaana waxaa la siiyay laptop, si uu ugu ciyaaro ama ugu sameysto wuxuu doono.

Waxaa la ogaaday in seddax daqiiqo kastaa in kuwa telefoonada laga xareeyay ay ku ag wareeganayeen qaadda telefoonka looga xiray.

Muddadaasi waxaa ka muuqday walaac iyo xanaaq, waxaana is bedelay garaaca wadnohooda.

Kuwa telefoonada laga qaaday waxay sidoo kale xoqayeen wejigooda, wayna is bedeleen. Waxaa lagu arkay dhammaan noocyada walwalka, sida ay sheegayaan dhaqaatiirka Cilmu-nafsiga.

Waxaa sidoo kale qiimeyn lagu sameeyay ereyada ay dhallinyaradaasi isticmaaleen.

Waxay aad u adeegsadeen ereyo ay ka mid yihiin " waan waayay iyo burbur", kuwaas oo ka turjumaya kala soocnaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Telefoon wuxuu noqon karaa sida maro caruurta ay ku ciyaaraan

Veronika waxay sheegtay inay u maleyneyso in dhallinyarada ay dareemayaa in xiriir adag ay la wadaagaan teleefonkooda.

"Caruurta is ticmaala telefoonka waxay noqon doonaan kuwo aad ula qabsaday oo ka darnaan doono dhallinyarada hadda".

Natiijada waalaga yaabaa inaysan ka cajebin, balse waxaad xaqiiqada ogaaneysaa marka uu dabka beteriga kaa dhammaado ama lagaa xado telefoonka. Daqiiqado ka dib aad ayaad u walbahaareysaa, sida seynisyahanada aaminsan yihiin.

Cabsida ku saabsan in telefoonkaaga aad kala maqnaataan waxaa loo bixiyay "nomophobia".

Veronika waxay sheegtay in arrintaasi ay tahay "cabsida ah inaad telefoon la'aan ahaato".

"Xanuunka" noocaas ah waxaa qabo afar ka mid ah shantii dhallinyaro, sida qaar ka mid ah cilmi baarayaasha ay sheegeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan