Dad isku qarxin rabay maxkamad oo Pakistan lagu laayay

Pakistan ayaa billawday hawlgallo kala duwan oo ay ku bartilmaameedsatay malayshiyaadka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Pakistan ayaa billawday hawlgallo kala duwan oo ay ku bartilmaameedsatay malayshiyaadka

Ugu yaraan hal qareen ayaa dhintay kuwo kalana way dhaawacmeen ka dib markii la weeraray maxkamad ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, sida ay sarakiishu sheegeen.

Saddex ruux oo rabay in ay is qarxiyaan ayaa la dilay iyaga oo qorshaynayay in ay gudaha u galaan maxkamad ku taala agagaarka Tangi ee degmada Charsadda, sida ay warbaahinta deegaanku ka soo xigteen saraakiil.

Waxaa la maqlay qaraxyo iyo rasaas.

Pakistan waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacay qaraxyo badan oo ay sheegteen malayshiyooyin kala duwan kuwaas oo galaaftay nolosha in kabadan 100 ruux.

Pakistan oo bilowday dagaal ka dhan ah "mintidiinta"

Pakistan oo India ku eedeysay duqeyn

Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya

Ugu yaraan 80 ruux ayaa ku dhintay ka dib markii uu ruux isku qarxiyay meel ay ku cibaadaysanayeen dad suufiyo ah oo ku yaalla magaalada Sehwan, waxaana sheegtay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Dawladda Pakistan oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa billawday hawlgallo ammaan, waxayna sheegtay in ay dishay 100 ka mid ah malayshiyaadka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan