Neymar iyo Barcelona oo maxkamad la soo taagayo

Neymar ayaa 95 gool u dhaliyay Barcelona isaga oo 171 ciyaarood u saftay tan iyo markii uu kooxda Santos kaga soo biiray 2013kii Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Neymar ayaa 95 gool u dhaliyay Barcelona isaga oo 171 ciyaarood u saftay tan iyo markii uu kooxda Santos kaga soo biiray 2013kii

Ciyaaryahanka Barcelona ee Neymar iyo kooxdiisa ayaa wajihi doona dacwad musuqmaasuq oo la xiriirta sidii loogala soo wareegay kooxda reer Brazil ee Santos, kadib markii ay ku guuldaraysteen racfaankii u dambeeyay ee ay qaateen.

Kiiskan ayaa la xiriira cabasho ka timid shirkad maalgashi oo laga leeyahay Brazil oo loo yaqaanno DIS, taas oo lahayd 40% xuquuqda iibinta Neymar.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay heshay lacag ka yar intii ay xaqqa u lahayd markii Neymar uu ku biiray Barca ee uu ka wareegay Santos 2013kii isaga oo laga bixiyay 49 milyan oo gini.

Waxaa sidoo kale dacwadan wajihi doona kooxda Santos, Neymar hooyadii iyo shirkad ay maamulaan ciyaaryahankan 25 jirka ah waalidkii, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda markii ay tuurtay racfaaankii ay qaateen.

Go'aanka maxkamadda racfaan lagama qaadan karo hadda.

Dacwad oogeyaashu waxay doonayaan in labo sano la xiro Neymar laguna ganaaxo ku dhawaad 8 milyan oo gini.

Si kastaba ha ahaatee haddii ciyaaryahankan qaranka Brazil lagu helo dambi waxay u badan tahay in uusan xabsi gelin.

Dacwad oogeyaasha ayaa sidoo kale raadinaya ganaax 7.2 milyan ah oo Barcelona la saaro iyo 5.6 milyan oo gini oo Santos laga qaado.

Lionel Messi oo ay Barcelona iskala dheelaan Neymar ayaa bishii todobaad ee sanadkii hore lagu xukumay 21 bilood oo xabsi ah ka dib markii lagu helay wax isdabo marin canshuur la xiriirta, balse racfaan ayuu ka qaatay.