Madaxweynaha Azerbaijan oo xaaskiisa Mehriban ka dhigay madaxweyne ku xigeen

Mehriban ayaa dalka maamulikarto haddii seygeeda u shaqada sii wadi waayo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mehriban ayaa dalka maamulikarto haddii seygeeda u shaqada sii wadi waayo

Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriban u magacaabay xilka madaxweyne ku xigeenka, taas oo uu ku xoojinayo awooddiisa dalkaasi saliidda qaniga ku ah.

Magacaabista waxaa lagu qoray barta internetka ee madaxtooyada.

Ilham Aliyev wuxuu madaxweyne ka ahaa dalkaasi Azerbaijan tan iyo sanadkii 2003, ka dib markuu aabihii dhintay.

Mehriban Aliyeva, oo 52-sano jir ah, waa xildhibaan. Taqasuskeedana waa caafimaadka.

Waxay leedahay hay'ad lagu magacaabo Heydar Aliyey. Warbaahinta dowladda ee dalkaasi waxay badanaa ka warrantaa arrimaha qoyska dalka maamula.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynha iyo kuxigeenkiisa waxay isguursadeen 1983-dii

Ururada u ololeeya xuquuqda aadanaha waxay qoyska talada maamula ku eedeeyeen musuqmaasuq. Dowladda ayaa beenisay eedahaas.

Bishii September, Mr Aliyev wuxuu qaban qaabiyay afti lagu aasaasay madaxweyne ku xigeen awood leh, wuxuuna xilka madaxweyne kordhistay todobo sano oo dheeraad ah.

Isbuucii la soo dhaafay, warar sir ahaa oo la dusiyay waxay muujinayeen in xaaska madaxweynaha aysan war badan ka hayn arrimaha siyaasadda.

Aabeheed, Arif Pashayev waa nin taajir ah oo ganacsade ah.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxay haystaan seddax caruur ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan