Shir looga hadlayo gudniinka oo ka dhacay Nairobi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga hadlayo gudniinka oo ka dhacay Nairobi

Xubno ka tirsan baarlamaannada dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Masar, Sudan iyo Senegal, ayaa caasimadda Nairobi ku leh kulan ay uga hadlayaan samaynta iyo ku dhaqanka shuruucda looga hortagayo gudniinka gabdhaha.

Xildhibaannada ayaa doonaya in la hirgaliyo shuruucda ka dhanka ah gudniinka oo dhibaato badan ku haya hablaha.

Sanad kasta qiyaastii in ka badan 3 milyan oo gabdho ah ayaa la sheegaa in ay khatar ugu jiraan gudniinka.

Xildhibaan Fatuma Ibrahim Ali oo laga soo doorto deegaanka Wajeer, kana qeybgashay shirka ayaa u warrantay weriyaha BBC Ciise Xaaji Cabdulle.