Man City oo 5-3 uga adkaatay Monaco

FA-ga Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kooxda Man City

Xalay waxaa la dheelay laba kulan oo ka tirsanaa horyaalka Yurub wareegga loogu soo baxayo rubuc dhammaadka.

Ciyaarta ugu xiisaha badneyd ayaa ah tii dhexmartay Manchester City iyo Monaco, oo ay guusha 5-3 ku raacday City.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku gacan saraysay Monaco, balse markii la isu soo laabtay ayaa waxa ay City la timid gool barbaro ah, daqiiqado ka dibna waxa ay Monaco hogaanka kula wareegtay 3-2.

City oo difaaca ka liidatay ayaa weerarka xoojisay, waxaana u suuragashay in ay la timaado saddex gool, taasoo ciyaarta aakhirkii ku soo afjartay 5-3.

Sergio Ag├╝ero iyo Radamel Falcao ayaa min laba gool u kala dhaliyay kooxahooda, waxaana Falcao uu iska khasaariyay rigoore.Kulanka labaad ee labadan kooxood ayaa 15 bisha Maarso waxa uu ka dhici doonaa garoonka Monaco.

Sidoo kale xalay waxaa wada ciyaaray kooxaha Bayer Leverkusen iyo Atletico Madrid, waxaan ay guusha 4-2 ku raacday Atletico Madrid.

Caawana waxaa la dheeli doonaa kulamo kale oo ka tirsan horyaalka Yurub:

FC Porto iyo Juventus

Sevilla iyo Leicester City