Dilka Kim Jong-nam: Kuuriyada Waqooyi oo cambaaraysay Malayshiya

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Malayshiya ay masuul ka tahay dilka mid ka mid ah muwaadiniinteeda ayna siyaasadaynayso soo celinta maydkiisa.

Ma aysan xusin magaca Kim Jong-nam, laakiin warbixinta laga baahiyay warbaahinta KCNA ayaa u muuqata middii koobaad ee la xiriirta dilka ninka ay isku aabha yihiin madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed.

Kim ayaa ku dhintay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur ka dib markii la sumeeyay, maydkiisa ayaana wali lagu hayaa qaybta maydadka lagu kaydiyo ee isbitaal.

Dhanka Malayshiya

Booliiska dalka Malayshiya ayaa shalay sheegay in ay raadinayaan sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Kuuriyada Waqooyi ay ku leedahay magaalada Kuala Lumpur isaga oo lala xiriirinayo dilkii Kim Jong-nam.

Booliiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay faahfaahinta dilka, iyaga oo sheegay in labo haween ah ay wajiga sun ka mariyeen Kim.

Waxaa jira shaki wayn oo ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay weerarkaasi, taas oo uu si caro leh uu u diiday danjirahooda Malayshiya.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliiska Malayshiya ayaa soo bandhigay macluumaadka sarkaalka safaaradda ee ay baadigoobayaan

Madaxa booliiska ee Malayshiya Khalid Abu Bakar oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kuala Lumpur maanta oo Arboco ah ayaa sheegay in la raadinayo saddex ruux oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo laga shakisan yahay, kuwaas oo dheeri ku ah kuwii horay loo baadigoobayay, walina la tuhunsan yahay in ay dalka gudahiisa joogaan.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ah qunsulka labaad ee safaaradda Kuuriyada Koonfureed ee Kuala Lumpur ku taalla kaas oo magaciisa lagu sheegay Hyon Kwang Song.

Labada kalana waxay kala yihiin Kim Uk Il oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Air Koryo oo ay leedahay dawladda Kuuriyada Waqooyi iyo Ri Ji U.

Lahaanshaha sawirka REX/Shutterstock
Image caption Haweenay laga arkay kaameerada CCTV-ga markii uu shilku dhacayay ayaa loo malaynayaa in ay tahay Doan Thi Huong oo Vietnam u dhalatay
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliiska Malayshiya ayaa soo bandhigay macluumaadka sarkaalka safaaradda ee ay baadigoobayaan

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan