Ra'iisalwasaaraha Israa'iil oo markii u horaysay booqday Australia

Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo dhigiisa Australia Malcolm Turnbull Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo dhigiisa Australia Malcolm Turnbull

Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyay Australia in ay dalkiisa ka difaacayaan qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee sida adag uga soo horjeeday.

Netanyahu ayaa noqday ra'iisal wasaarihii u horeeyay ee Israa'iil ee isaga oo xil haya booqda Australia.

Wuxuu sheegay Australia in rajaynayso in ay muujiso munaafaqadda Qaramada Midoobay ee ku aadan arrimaha deegaamaynta, waa sida uu hadalka u dhigay ee.

Ra'iisal wasaaraha Australia Malcolm Turnbull, ayaa dhaliilay qaraarka Qaramada Midoobay isaga oo ku tilmaamay mid dhan kaliya ah, taas oo ka dhan ah xukuumadda Yuhuudda.

Si kastaba ha ahaatee hogaamiyeyaasha Falastiin ayaa sheegay in taageerada Australia ee deegaamaynta cusub ee Israa'iil uu yahay mid xagjir ah.