Waa maxay sababta ay wali macaluushu u jirto?

Women hold their babies as they wait for a medical check-up at a Unicef-supported mobile health clinic in Nimini village, Unity State, South Sudan Lahaanshaha sawirka Reuters

Qaramada Midoobay ayaa macaluul kaga dhawaaqday qaybo ka mid ah Suudaanta Koonfureed, waana markii koobaad ee meel adduunka ka mid ah lagaga dhawaaqo muddo lix sano ah. waxaa kale oo jira digniino ku saabsan in ay macaluul ka dilaaci karto waqooyi bari Nigeria, Soomaaliya iyo Yemen. Haddaba waa maxay sabab ay wali macaluushu u jirto, maxaase laga qaban karaa?

Maxaa ka dhacaya Suudaanta Koonfureed?

Hay'adaha Qaramada Midoobay waxay sheegayaan in 100,000 oo ruux ay nafaqa darro ugu dhimanayaan Suudaanta Koonfureed hal milyan oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Guud ahaan 4.9 milyan oo ruux oo u dhiganta 40% bulshada dalkaas ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo cunto, beero iyo gargaar nafaqayn.

Agaasimaha hay'ada cunada aduunka ee WFP Joyce Luma ayaa sheegay "Macaluushani waa mid bina'aadam ay gacantooda kula yimaadeen

"Dadku waa kuwo beeralay ah dagaalka ayaana ragaadiyay beeraha .waxa ka baa'bay xoolihii ,iyo xitaa qalabkii beeraha .

Mudo bilooyiin ah waxa ay ku tiirsanayeen wax waliba oo ay beeran karaan iyo kaluumaysiga ay samayn karaan ," ayuu sheegay Mr Tissot.

Soo go'ida dalagyada ayaa waxa curyaamiyay dagaalada ,xitaa goobaha horay ku fiican beeraha ,ayada oo muranka u dhaxeeya siyaasiyiinta ay uu cirka isku sii shareerayo islamarkana taasi oo sababtay loolan dhanka awooda ah iyo khayraadka oo ay isku haystaan qoomiyadaha kala duwan.

Ayada oo wax soo saarka beeraha ay hoos u dhaceen xoolaha na ay dhamaadeen , ayaa waxa uu sicir bararka gaaray boqolkiiba (800% sanad ba sanadka ka danbeeya waxaa sidaasi sheegtay qaramada midoobe .

Waxaa sidoo kale sare u kacay qiimaha quutul daruuriga ,islamarkana burburka dhaqaalaha ma dhaceen hadii uusan dagaalka jirin .

Maxaay ka dhigan tahay shaacinta macaluusha?

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay farsama ahaan u isticmaasha erayga macaluusha.

In si rasmi ah loogu dhawaaqo in ay macaluul ka jirto Sudanta Koofureed ayaa waxa ay ka dhigan tahay in dhimashada dadka gaajada u leanaya ay mar hore bilaabatay.

Gaar ahaan macaluusha ayaa waxa lagu dhawaaqi karaa marka la helo talaabooyiin muujinaya dhimasho, nafaqa daro iyo gaajo.

Tani waxay micnaheedu tahay in marka boqolkiiba 20% qoysaska goob dagan ay soo wajahdo cuna la'aan ba'an islamarkaana ay yar tahay awoodda lagu xakameyn karo.

Nafaqa daro gaarsiisan boqolkiiba 30% iyo in dhamashada maalinkaste ay 2 qof oo ka badato 10,000 ee qof ee goob ku wada noolba.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee la tixgalinayo marka lagu dhawaaqayo xaalad macaluul 'barakac baahsan ,cudura dilaaca iyo burbur ku yimaada bulshada.

Ku dhawaaqida macaluulsha ayaa ah mid aan culaysa dhanka waajibaadka ah ku keenayn qaramada midoobay ama cid kale balse waxa ay soo jeedinaysaa dareenka caalamka ee dhibaatada halkaasi ka jirta.

Khariiraddan hoos ka muuqata waxay muujinaysaa tirada dadka ay cunna yarida baahsan haysato iyo dalalka ay ku kala nool yihiin, Soomaaliyana waxaa lagu sheegay 2.9 milyan oo qof.

Macaluulihii hore waxaa ka mid ahaa middii ka dilaacday Soomaaliya 2011kii Suudaanta Koonfureed 2008dii, midii ka dhacday Goday oo katirsan Deegaanka Soomaaalida Itoobiya sanadkii 2000kun, Kuuriyada Waqooyi (1996), Soomaaliya (1991-1992) Itoobiya 1984-1985.

Macquulnimada saddex macaluul oo kale oo ka dilaaca Nigeria, Soomaaliya iyo Yemen ayaa noqon doonta mid aan laga saadaalinaynin xiligan casriga ah.

Maxaa laga qaban karaa xaaladda Suudaanta Koonfureed?

Haddii la rabo In si degdeg ah wax looga qabto macaluusha waxaa loo baahan yahay labo arrimood oo kala ah: Gargaar baniiaadamnimo oo dheeri ah iyo hay'addaha gargaarka oo gaara goobaha ay aadka u saameeyeen maculuushu iyaga oon wax caqabad ah la kulmaynin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad barokacay oo Suudaanta Koonfureed u dhashay

Hay'adaha Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay ka hadleen in malaayiin dad ah ay siin doonaan agab daruuri ah oo loogu talagalay in ay dadku kalluun ku soo jilaabtaan ama ku beertaan khudaar.

Sidoo kale waxaa jira barnaamijyo lagu tallaalayo adhiga si looga hor tago in xoolo kale ay le'daan

Qaar ka mid ah hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in dawladda madaxweyne Sakva Kiir ay hor istaagayso gargaarkii cunto ee la gayn lahaa deegaannada qaarkood.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in weeraro lagu qaaday kolanyooyinka hay'addaha iyadoo ay dhaceen ciidammada dawladda ama jabhadaha.

Inkastoo eedaymahaas uu diiday madaxweyne Kiir hadda wuxuu ballan qaaday in dhamaan hay'addaha gargaarka iyo kuwa horumarkaba ay aadi karan meeshii ay doonaan ee dalka ka mid ah iyaga oon wax caqabad ah la kulmaynin si ay u gaaraan bulshooyinka u baahan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Saaemyta ay abaaraha ku yeesheen xoolo dhaqatada

Cunto yaridu maxay meelaha kale uga jirtaa?

Caadiyan waa colaadda.

Dalka Soomaaliya, Yemen iyo waqooyi bari Nigeria dhammaantood waxaa aad u saameeyay colaado waxyeeleeyay noloshii caadiga ahayd iyo degenaanshihii.

Soomaaliya iyo Nigeria waxay wajahayaan dagaalada ay ka wadaan kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Bookoo Xaraam, kuwaas oo sababay barakac ballaaran, waxyeelo soo gaartay dalagii beeraha iyo hawlihii suuqyada iyo ganacsigii caadiga oo burburay.

Dagaal shacab oo dhinacyo badanaa ayaa sababay in dalalkii awoodda badnaa ee gobolkaasi ay faraha la galaan arrintaas oo horseeday burbur baaxad leh, dhaawac dhaqaale iyo in ay dad badan ku nafwaayaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yemeniyiin ay soo wajahday biyo yari