Wareysi: Garyaqaan Cabdirashiid Xaaji Maxamed Aadan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Maxkamadda UK oo meel marisay sharci Soomaali badan saamaynaya

Maxkamadda ugu sareysa UK ayaa go'aan ka soo saartay sharci dood ka taagnayd oo ku aadanaa in dawladda Britain xaq u leedahay in Ragga ama Haweenka doonaya in ay keenaan dalkan lamaanahooda uu soo galo kharash kaafinaya nolosha labadoodab.

Maxkamadda ayaa maanta go'aamisay inay dawladdu ku saxan tahay sharcigaas oo saamaynaya qoysas badan oo Soomaalidu ka mid tahay.

Garyaqaan Cabdirashiid Xaaji Maxamed Aadan oo ah maamulaha xarunta qareenadda ee Aden & Co Solicitors ee magaalada London ayaa wuxuu uga waramay Mowliid Xaaji Cabdi oo BBC Soomaali ka tirsan go'aanka maxkamadda iyo sida uu saameynayo dad badan oo Soomaali ka mid tahay, waxaana ugu horeyn uu sharaxayaa Garyaqaanku sharciga iyo goorta uu soo baxay.