Wadahadalada Suuriya oo ka furmaya Geneva

Suuriya
Image caption Wadahadalada Suuriya

Wareegii afaraad ee wadahadalada nabada Suuriya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka furmaan magaalada Geneva, waxaana markii ugu horeysay muddo sanad ah magaaladaasi ku kulmaya ergo ka kala socota dowladda iyo mucaaradka.

Saddexdii wareeg ee hore ayaa dhammaantood kusoo gebagaboobay natiijo la'aan, waxaana sii socday colaadda Suuriya ee galaafatay noolasha in ka badan 300 oo kun oo qof, ayna ku barakaceen malaayiin kale.

Ergo ka socota dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaa gaaray Geneva, taasoo muujineysa sida labada dhinac ay uga go'antahay wadaxaajoodka.

Wadahadalada ayaa loo arkaa kuwo looga doodi doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dastuur cusub oo ay yeelato Suuriya iyo qabashada doorashooyin ay dusha kala socon doonto Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in la carqaladeeyo xabbad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee hadda ka jirta inta badan Suuriya.

Arrinta sida weyn indhaha loogu hayo ayaa ah waxyaabaha ay xukuumadda Suuriya ka tanaasuli doonto, maadaama ay muddooyinkii dambe dhul muhiim ah ka qabsatay mucaaradka sii tabar dhigaya.