Safiir Muxyadiin oo u digay dhalinyada ka tahriibta xeebaha Liibiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Safiir Muxyadiin oo u digay dhalinyada ka tahriibta xeebaha Liibiya

Qof ka badbaaday doon maalma ka hor ku qalibantay xeebaha Liibiya, ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen.

Ninkan oo magaciisa sheegin, balse u dhashay dalka Gambia, ayaa dadkii soo badbaadiyay u sheegay in doonta oo buux dhaaftay ay habeenkii Sabtida dabley ku dhufatay.

Rakaabkii doonta saarnaa oo argagaxsan ayaa dhinac is buurtay, waxaana sidaa ku degay doonta, sida uu ninkaasi sheegay.

Waxaa la rumeysan yahay in doontaasi ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo tahriibayaal ah.

Waxaa jira warar sheegaya in doon kale ay iyaduna qalibantay.

Xeebaha dalkaasi ayaa waxaa kusoo caariyay qaar ka mid ah meydadkaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya, Muxyadiin Maxamed Kaalmoy, ayaa amuurtaasi uga warramay Maxamuud Cali.