Abaarta gobolka Sool oo meel xun gaartay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta gobolka Sool oo meel xun gaartay

Waxaa laga deyrinayaa abaarta ka taagan gobolka Sool oo haatan la soo sheegayo in geela uu billaabay in uu u dhinto.

Abaarta ka sokow waxaa deegaannadaasi ka bilowday xanuuno ay ka mid tahay jadeecadda, waxaana lagu soo warramayaa in ay dad u dhinteen.

Abaarta oo ka jirta guud ahaan dhulka Soomaalida, ayaa waxaa socda gurmad noocyo kala duwan leh.

Sheekh Axmed Maxamed Saleeban waa gudoomiyaha guddiga taakuleynta dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolka Sool, khadka telefoonka ayuu ugu warramay weriyaha BBC Xasan Cali Geelle.