Daacish oo laga saaray garoonka diyaaradaha Mosul

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ciidamada ayaa hadda isu diyaarinaya inay dhanka galbeedka u jiheystaan

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa dib u qabsaday garoonka diyaaradaha magaalada Mosul ka dib dagaal culus.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka oo garoonkaas gacanta ku hayay ayaa hadda u gurtay dhanka galbeedka magaalada.

Dagaalka lagu qabsaday eelaboorka ayaa qaatay afar saacadood. Daacish ayaa weli madaafiic ku rideysay garoonka.

IS oo 'jidka Mosul laga gooyay'

Ciidanka Ciraaq oo gaaray afaafka Mosul

Ciidamada Ciraaq oo galbeedka Mosul ku sii dhowaanaya

Dagaalyahannada kooxda ayaa hadda isugu tagay xero military oo ku dhow gigada diyaaradaha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ciraaq.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dhanka bariga Mosul waxaa daacish laga qabsaday bishii aanu soo dhaafnay.

Qadka diyaaradaha ee garoonka ayaa burburay, balse weriyaha BBC-da ee la socda ciidamada wuxuu sheegayaa in weli diyaarado ay ku degi karaan.

Meesha uu garoonka ku yaallo waxay isku xirtaa koonfurta iyo galbeedka Mosul, sida weriyaha uu sheegayo.

Shisheeye badan oo talo siinaya ciidamada Ciraaq

Shacabka Muusil oo la dalbanayo in la badbaadiyo

Dagaalka lagu qabsaday garoonka diyaaradaha wuxuu ku bilowday duqeyn ay tan iyo xalay wadeen diyaaradaha dagaalka dowladda.

Image caption Duqeynta waxay burburisay deegaanada ku dhow garoonka
Image caption Gawaarida dagaalka ee dowladda qaar ka mid ah waxay dhibaato ka soo gaartay dagaalka iyo hubka la is dhaafsanayo

Kumannaan ka mid ah ciidamada dowladda Ciraaq oo garab ka helaya diyaarado ayaa weli doonaya in daacish ay ka sifeeyaan galbeedka Mosul.

Qeybaha daacish ay maamulaan waxaa horey loogu daadiyay warqado digniin ah oo ku saabsan howlgalka. Dadka waxaa looga digay inay jidadka isugu soo baxaan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaafiic ayaa si aad ah loogu garaacay garoonka ka hor inta aysan ciidamada lugta galin

In kastoo Galbeedka Mosul ay ka yar-tahay dhanka Bariga, hadana waxaa loo arkaa meel dhib badan oo ay ku taallo degmo si weyn looga taageero daacish. Waxaa halkaasi ku nool dad aad u badan.

Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa in ay suuragal tahay in magaalada ay ku go'doonsan yihiin qiyaastii 650 kun oo qof.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Diyaarado ayaa duqeynaya fariisimaha Daacish ee Mosul

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan