Maxaa horyaallo ra'iisul wasaaraha la magacaabay?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhageyso: Maxaa horyaalla Ra'iisul wasaaraha la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo shalay la caleemo saaray, ayaa maanta magacaabay ra'iisul wasaare cusub.

Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre, waxaa laga sugayaa inuu hortago labada aqalak ee baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

Sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu la yimaado barnaamij siyaasadeed waafaqsan midka madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra'iisalwasaare

Madaxweyne Farmaajo oo 12 arrimood ka hadlay

Shan arrimood oo madaxweyne Farmaajo horyaalla

"Sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu taageero ka helo shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho", sida uu sheegayo Cabduqadir Xaaji Maxamud Dhaqane oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.

Lahaanshaha sawirka Radio Mogadishu
Image caption Madaxweyne Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre u xushay ra'iisul wasaare

"Jagada ra'iisul wasaaraha waa mid muhiim ah oo ugu sareysa golaha fulinta ee dowladda. Wuxuu qabanayaa inta badan howlaha dowladda horyaalla", ayuu sheegay Dhaqane.

Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre, haddii uu helo taageerada baarlamaanka, wuxuu billaabi doonaa inuu soo dhiso golaha wasiirada.

Golahaasi waxay ku saleysnaandoonaa awood qeybsiga 4-5 ee ah sida beelaha Soomaaliya ay awoodda siyaasadda ku qeybsadaan.

SAWIRRO: Xafladda caleemo saarka madaxweyne Farmaajo

Sawiro: Sida madaxweyne Farmaajo uu ula wareegay madaxtooyada

Dad abaarta ay barakicisay oo gaaray Muqdisho

"Waxaa laga sugayaa dowlad farsamo yaqaan ah oo howl qaban karta. Waxaa fiican in xukuumadda bannaanka laga keeno", ayuu yiri Dhaqane, oo siyaasadda ka faallooda.

Xukuumadda la soo dhisidoono waxay wajeheysaa caqabado dhanka amniga ah. Dhaqane wuxuu sheegayaa in golaha wasiirtada ee la soo dhisidoono ay wanaagsan tahay inay si wadajir ah u wajahaan dhibaatooyiinka dhanka amniga.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
'Ar Farmaajo iigeeya' oo BBC-da la hadlay

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan