Koonfur Afrika oo bartilmaameed ka dhiganeysa "soo galootiga sharci la'aanta ah"

Dalka Koonfur Afrika waxaa lagu qabtay dibad baxyo badan oo ka dhan ahaa naceybka ajaaniibta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dalka Koonfur Afrika waxaa lagu qabtay dibad baxyo badan oo ka dhan ahaa naceybka ajaaniibta

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay billaabeyso baaritaan ay ku raaadineyso soo galootiga sharcidarada ah.

Waxay dowladda sheegtay in xarumaha ganacsiga laga raadin doono dad aan sharci haysan oo ku sugan dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudah ee Koonfur Afrika, Malusi Gigaba, ayaa ku dhawaaqay tallaabadaas lagu baacsanayo soo galootiga aan sharciga haysan.

Wuxuu sheegay in illaa iyo hadda la xiray 60 qof oo ka shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Spar oo "sharci la'aan ahaa".

Mr Gigaba wuxuu ugu digay shirkadaha in la ganaaxi doono haddii ay sharciga ku xadgudbaan.

Wuxuu shidoo kale u sheegay shirkadaha in aysan isku dirin ajaaniibta iyo muwaadiniinta shaqo la'aanta ah.

Wuxuu intaa raaciyay in 33,339 qof laga musaafuriyay Koonfur Afrika sanadahii 2015-2016-kii.

Go'aanka uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika ayaa imaanayo xilli dalkaasi uu ka taagan yahay walaac sare u sii kacaya oo ah naceybka ajaaniibta.

Wuxuu arrintaasi ka hor sheegay baarlamaanka, wuxuuna u gudbiyay warbaahinta dalkaasi.

Dowladda Nigeria ayaa cambaareysay weerar lagu qaaday muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Pretoria, Koonfur Afrika.

Xildhibaanada Nigeria ayaa dowladda ka dalbaday inay u yeerto safiirka u qaabilsan South Afrika, taas oo jawaab looga dhigayo weerarada lagu qaaday dadka Nigeria u dhashay.

Isniintii, 34 tukaamo oo ay ajaaniib lahaayeen ayaa lagu boobay meel u dhow magaalada Pretoria.

Waxaa jiro dad reer Koonfur Afrika ah oo qorsheynaya inay dibadbaxyo qabtaan, waxayna ka cabanayaan in soo galooti ay qaateen dhammaan shaqooyiinkooda.

Mr Gigaba, oo hadalkiisa lagu qoray barta Twitter-ka ee dowladda, ayaa sheegay inay waajib tahay inaan shacabka dalkaasi laga faafiyay "inay ajaaniibta six un u nicibyihiin".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan