Dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suuriya oo shir uu uga socda Geneva

Dagaalka Suuriya, malaayiin qof ayaa ku barakacay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka Suuriya, malaayiin qof ayaa ku barakacay

Wadahadalka nabadda Suuriye ee Qaramada Midoobeey ay dhexdhexaadineyso ayaa hadda ka socdo magaalada Geneva.

Waa markii ugu horeysay muddo sanad ah oo UN ay isu keento dowladda iyo mucaaradka.

Dowladda iyo Mucaaradka ayaan si toos ah isu hor fariisan doonin. Dhinac kastaa wuxuu la kulmayaan wakiillada Qaramada Midoobeey.

Staffan de Mistura, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Suuriya, wuxuu sheegay in uusan fileynin in "horumar degdeg ah" laga gaaro wadahadalka.

Mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in go'aan laga gaaro mustaqbalka madaxtinimada Bishaar Al-Asad.

Dowladda ayaa diidan in arrintaas laga hadlo ama la isla soo qaado xittaa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xisaabiye isu badshaiye kalkaaliso caafimaadk oo ku nool Xalab

Ugu yaraan, 300 kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka Suuriya ka billawday sanadkii 2011-kii.

In ka badan 4.8 milyan oo qof ayaa ka qaxay dalkaasi, Qiyaastii 6.3 milyan oo qofna waxay ku barakeceen gudaha Suuriya.

Ayadoo ay yartahay rajada laga qabo in guul laga gaaro kulmada, hadana waxbadan ayaa is bedelay tan iyo bishii April ee 2016-kii, xilligaas oo ay bilowdeen wadahadallada.

Mucaaradka waxaa laga saaray magaaladdii ay ugu xoogga badnaayeen ee Xalab, bishii December ee sanadkii tagay.

Xabad joojin guud ayaa hadda ka jirto dalka Suuriya, in kastoo kooxaha jihaaddoonka ah ay weli dagaallamayaan.

Xabad joojinta waxaa dhexdhexaadiyay Turkiga oo ah taageeraha mucaaradka iyo Ruushka oo dowladda garab siinaya.

Labada awoodood waxay dhowaan qabteen kullan ay isugu keeneen dowladda iyo mucaaradka ka dhacay dalka Kazakhstan, si xabad joojinta aanan loogu xadgudbin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boqollaal kun oo qof ayaa lagu dilay colaadda Suuriya

In lagu xadgudbo xabad joojinta ayaa sababi karto in wadahadalka uu fashilmo, sida ay sheegayaan diblumaasiyiinta UN.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Suuriya ayaa waxay duqeeyeen Darca iyo Xama, ayadoo wadahadalka uu socdo, sida ay sheegeen kooxda kor kala socota xaaladda dalkaasi.

Mr de Mistura wuxuu sheegay in Ruushka uu dowladda Suuriya u sheegay inay joojiso duqeynta inta lagu guda jiro kulamada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Xalab, dagaalka ka hor iyo ka dib

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan