Kenya Airways oo loo ogolaaday inay Maraykanka u duusho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya Airways oo loo ogolaaday inay Maraykanka u duusho

Maamulayaasha hay'adda duulista ee Maraykanka ayaa sheegay in Kenya ay ka soo baxday shuruudaha u degsan bedqabka xagga duullimaadyada ee caalamka, ayagoo ogolaaday in duullimaadyo toos ah la isaga kala gooshi karo labada dal.

Hore ayaa waxaa u jirtay in dadka labada dal u kala safra ay mari jireen waddan seddexaad oo ay diyaaradda ka beddeshaan.

Haddaba Axmed Cilmi Guure wuxuu ka mid ahaa duuliyeyaashii ay soomaaliya lahayd ka hor burburkii dalka, wuxuuna sanooyinkii dambe ku noolaa qurbaha.

Faarax Lamaane ayuu uga warramay shuruudaha laga doonayo dayaaradaha u socdaala maraykanka marka ruqsadda la siinayo.