Kiimiko neerfaha waxyeesha oo laga helay maydka Kim Jong-nam

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Kiimikadii loo adeegsaday dilka ninka ay isku aabaha yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la ogaaday in ay ahayd kiimiko neerfayaasha wax yeesha, sida uu sheegay booliiska dalka Malayshiya.

Kim Jong-nam ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur ka dib markii ay sun wajiga ka mariyeen labo haween ah.

Sunta wajigiisa laga helay ayaa la ogaaday in nooceedu ay tahay "VX oo neerfeyaasha waxyeesha" Qaaramada Midoobayna waxay ku dartay hubka wax gumaada.

Malayshiya kuma aysan eedaynin Kuuriyada Waqooyi dilka ninkan, laakiin waxay sheegtay in ay caddahay in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambayso dilka.

Booliisku wuxuu sheegay in waaxaa kiimikooyinka ee Malayshiya ay kiimikadan ka heshay indhaha iyo wajiga Kim Jong-nam.

Dhawr ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhalatay ayaa loo baadigoobayaa dilka ninkaas.

Lahaanshaha sawirka AP