Bariga Liibiya oo safarrada ka mamnuucay dadka 18 ilaa 45 sano jirka ah

Qalalaasaha ka taagan dalka Liibiya ayaa dad badan oo dalkaas u dhashay ku qaaday in ay galaan safar halis ah oo dhanka badda ah si ay qaxootinimo u raadsadaan. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qalalaasaha ka taagan dalka Liibiya ayaa dad badan oo dalkaas u dhashay ku qaaday in ay galaan safar halis ah oo dhanka badda ah si ay qaxootinimo u raadsadaan.

Bariga Liibiya ayaa ragga iyo dumarka ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 45 ka mamnuucay in ay dalka dibaddiisa u safraan iyaga oon ruqsad haysanin

Madaxa ciidammada ee gobolkaas Abdelrazzak Al-Naduri ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in dadka laga hor istaago in ay ku biiraan ururrada argagixisada ah ee dalka dibaddiisa ka dhisan.

Liibiya waxaa ka jira maamullo iska soo horjeeda oo ku kala sugan bariga iyo galbeedka, dalka intiisa badanna waxaa maamula malayshiyaad.

Amarkan ayaa yimid maalmo uun ka dib markii la soo saaray amar muran dhaliyay oo dumarka kali ah ka mamnuucayay socdaalka, kaas oo durba laga laabtay.

Amarkaas waxaa soo saaray maamulka bariga Liibiya, kaas oo dumarka da'doodu ka yartahay 60ka sano ka mamnuucayay in ay safraan muxram la'aan.

Dadka Liibiyaanka ah ee ku nool qaybaha kale ee dalka ayay u badan tahay in uusan saamaynin mamnuucitaankan safarka, sababtoo ah labada maamul ee u awooda badan labada dhinac midba midka kale ma aqoonsana.