Guatemala oo hor istaagtay qorshe dumar badan carruur lagaga soo xaaqi lahaa

Doonta "ilmo iska soo xaaqidda" oo xeebta Guatemala joogta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Doonta "ilmo iska soo xaaqidda" oo xeebta Guatemala joogta

Ciidammada dalka Guatemala ayaa sheegay in ay horistaagayaan hawlaha doon aan faa'iido doon ahayn oo badooda gaartay taas oo fulisa "ilmo ka soo xaaqid bilaash ah".

Kooxdan oo ka socota Nederlands ayaa ilmo iska soo xaaqid bilaash ah u sameeya haweenka ka soo jeeda dalalka ay mamnuuca ka tahay ilmo iska soo xaaqiddu.

Doontan ayaa qaadda haweenka ku jira marxaladaha hore ee uurka iyaga oo geeya biyaha caalamiga ah halkaas oo ay ku soo fuliyaan ilmo ka soo xaaqidda.

Ilmo iska soo xaaqidda ayaa mamnuuc ka ah dalkaas oo inta badan dadkiisu ay haystaan mad'habta kaatoligga, balse waxaa la ogol yahay marka hooyada la badbaadinayo.

Ciidammadu waxay sheegeen in amar uu ka soo gaaray madaxweyne Jimmy Morales si ay tallaabo u qaadaan, ayna difaaci doonaan "nolosha bani'aadanka iyo sharciga dalka" iyaga oo ka hortagi doona in kooxdaasi ay ilmo iska soo xaaqid fuliyaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rebecca Gomperts (midig) oo hawshan soo abaabulay ayaa dhaleecayn kala kulantay kaniisadda mad'habta Kaatoligga ee Guatemala

Saraakiisha ayaa doonta kooxdan ka hor istaagaya in ay ku xirato xeebaha dalkaas, haweenkana waxaa loo diiday in ay raacaan, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxdan ayaa sheegtay in ay ruqsad u haystaan biyaha Guatemala doontana "loo xiray" si aan sharciga waafaqsanayn.

Qorshahoodu wuxuu ahaa in ay shan maalmood joogaan.

Kooxdan waxay sheegayaan in in kabadan 60,000 oo dumar ah oo ku sugan Guatemala in ay si sharci darro ah u sameeyaan ilmo iska soo xaaqid sanad kaste taas oo halis gelisa naftooda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Guatemalan oo gaafwareeggaya doonta Netherlands