'Qarax 41 qof ku dilay' meel ku dhow Al-Bab, Suuriya

Mucaaradka uu Turkiga taageerayo ayaa bartamaha Al-Baba la wareegay khamiistii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka uu Turkiga taageerayo ayaa bartamaha Al-Baba la wareegay khamiistii

Gaari wax-yaabo qarxa lagu xiray oo ku qarxay deegaan ku dhow Al-Bab ayaa waxaa ku dhintay 41 qof, sida ay sheegayaan kooxaha kor kala socda xaaladda Suuriya.

Qaraxa wuxuu burburiyay xarun ay degan yihiin mucaaradka, sida kooxda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay sheegtay.

Tuulada oo 8km dhanka galbeed kaga beegan Al-Bab waxaa dhowaan laga qabsaday ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Turkiga wuxuu sheegay in mucaaradka ay ku dhow yihiin inay wada qabsadaan magaalada Al-Bab oo dhan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka ayaa hadda sheegay inay sifeynayaan magaalada oo dhan

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah 35 qof oo shacab ah iyo lix mucaaradka ka mid ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Reuters oo soo xigatay dad ku sugan deegaanka ayaa sheegtay in weerarka lala damacsanaa saldhigga mucaaradka ee halkaasi ku yaalla.

Dadka rayidka ah ee dhintay waxay ahaayeen kuwa saldhigga u tagay inay helaan ogolaansho ay ugu laabtaan magaalada Al-Bab.

Wakaalad warar oo mucaaradku leeyihiin ayaa sidaas ku warrantay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalyahannada FSA waxay sheegeen in magaalada oo dhan ay miineysan tahay

Al-Bab oo ku taalla dhanka Woqooyi-Bari ee Xalab waxaa gudaheeda ku nool 100 kun oo qof, tuulooyiinka ku hareereysanna waxaa ku nool 50 kun oo qof.

Magaalada waxay mucaaradka qabsadeen sanadkii 2012-kii, Daacish ayey gacanta u gashay 2014-kii ka dibna waxay noqotay hoyga jihaaddoonayaasha ajaaniibta ah.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sanadkii tagay sheegay in qabsashada Al-Bab ay muhiim u tahay in daacish laga saaro magaalada Raqa oo loo arko inay tahay xaruntooda Suuriya.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan